Shiinaha ayaa si guul ah u soo gabagabeeyay tijaabadii ugu horeysay ee diyaarad yar oo koronto ah

Adis Ababa, Dalka Shiinaha ayaa ku guulaystay tijaabadii ugu horaysay ee diyaarad yar oo koronto ku shaqaynaysa.

Waxaa la sheegay in diyaarad yar oo koronto ah oo qaadi karta laba qof isla markaana leh hal matoor lagu sameeyay dalka Shiinaha.

Diyaaradan oo nooceedu yahay AG60E, oo ay samaysay Shirkadda Duulimaadka ee Shiinaha General Aircraft Corporation, ayaa ka duushay Garoonka Jiande Qiandaohu ee Gobolka Zhejiang ee Bariga Shiinaha.

China Daily oo soo xiganaysa shirkadda samaysay ayaa sheegtay in duulimaad yar oo tijaabo ah kadib ay ku degtay isla garoonkaasi.

AG60 E waa bir-dhan, -labo-kursi ah, hal-engine, diyaarad yar oo miisaankeedu yar yahay.

AG60 ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu tababaro duulimaadka, sahaminta beeraha iyo iyo sahaminta hawada.

Diyaaradaha korantada ayaa sida caadiga ah ku qalabaysan baytariyada lithium-ion oo dib la buuxin karo

Diyaarado yar oo Koronto ah ayaa laga sameeyaa wadamo kale, mida ay samaysay Israel Aviation waa diyaaradii ugu horaysay ee si buuxda u koronto ah.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in wadamo iyo ururo kala duwan oo ay ku jirto Yurub Airbus ay isku dayayaan inay soo saaraan diyaarado koronto ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015