Arrimaha Bulshada - ENA Af-Soomaali
Arrimaha Bulshada
Gobalada deegaanka waxaa ka socda kulamo ku saabsan qorshaynta miisaaniyada
Aug 5, 2024 49
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Waxaa magaalooyinka Qabridahar, Hargeelle, Doollo Caddo, Godey, iyo Dhagaxbuur lagu qabtay shirar ku saabsan qorshaynta miisaaniyadda sanadka 2017-ka T.I. Shirarkan ayay hogaaminayeen masuuliyiin heer degaan ah iyo maamulada gobalada iyo degmooyinka ayaa diiradda lagu saaray sidii miisaaniyadda loogu salayn lahaa baahiyaha bulshada, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada kale ee lamidka ah. Ujeedka guud ayaana ah in la xaqiijiyo waxqabadka loo hayo bulshada, iyadoo la dardargelinayo adeegyada muhiimka ah iyo hirgalinta qorshayaasha sanadkan 2017-ka ee kor u qaadista dakhliga, nabadgalyada, wax soo saarka iyo adeegbixinta bulshada.
Wasaaradda Nabada waxay gobalka Goofaa ugu deeqday lacag lagu qiyaasay 6.4 milyan oo birr
Aug 5, 2024 66
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Wasaaradda Nabadda ayaa deeq isugu jirta agab kala duwan iyo mid lacageed oo ka badan 6.4 milyan oo Birr ugu deeqday muwaadiniintii ku waxyeeloobay dhul go’ii ka dhacay gobalka Goofaa. Waxa la sheegay in 2.2 milyan oo Birr oo ka mid ah taakulayntaasi ay tahay lacag caddaan ah, halka 4.2 milyan Birrna ay tahay agab kala duwan. Wasiirka Nabadda ee JDFI Binaalf Andhwaalem ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha ka dhashay masiibadaas, deeqdan ayaana waxaa ka gudoomay madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya Tilaahun Kabadha. Xogta laga helayo xafiiska madaxweynaha dawladda deegaanka ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaaraddu ay isku dubaridi doonto hay’ado kala duwan kawaasoo taakulayn doona dadkii ku waxyeeloobay musiibadaasi, isla markaana ay ku taageeri doonaan 30 milyan oo birr.
83 muwaadiniin Itoobiyaan ah ayaa kasoo laabtay Jabuuti
Aug 5, 2024 59
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti oo kaashanaysa hay’adda socdaalka adduunka ayaa 83 muwaadiniin Itoobiyaan ah kusoo celisay dalkooda. Xogta safaarada ayaa sidoo kale sheegeysa in howsha dib u celinta muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ay sii xoojin doonto maalmaha soo socda. Tahriibka sharci darrada ah ee la marayo dalka Jabuuti ayaa ah mid aad khatar u ah, waxaana la tilmaamay in maalin walba dad badan ay naftooda ku waayaan. Sidaa darteed, safaaraddu waxay cadaysay in la badbaadinayo nolosha muwaadiniinta iyadoo la kaashanaysa hay’adaha amniga.
Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa gaadhay magaalada Godey
Aug 4, 2024 78
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Warfaafinta DDS, Mudane C/Qaadir Rashiid, oo fagaare kula hadlay hogaaminta degmooyinka gobolka iyo maamulka magaalada ayaa yidhi "Waxaanu u nimid gobolka Shabeelle si aan u dhaadhicino jihooyinka xisbiga, horumarka, iyo amniga. Maanta waxaanu si rasmi ah u daahfurnay howlaha tabarucaadka ee bilaha xagaaga,". Madaxa Xafiiska Warfaafinta DDS Cabdiqaadir Rashiid iyo Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Marwo Warsan Caawil, ayaa si wadajir ah u daahfuray barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga. Masuuliyiintu waxay tilmaameen in xooga la saarayo arrimaha horumarinta bulshada, sida cagaarinta magaalada, u gargaarida dadka danyarta ah, agoonta, waayeelka, taageerida ardayda, iyo nadiifinta goobaha lagu nool yahay. Ugu dambayntii masuuliyiintu waxay ka qayb qaateen beerista dhirta iyo dhiig shubista, iyagoo kudeeqay 350 kun oo birr ah oo lagu caawinayo dadka danyarta ah.
Dufcadii 22aad ayaa ka qalinjabisay kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee Jigjiga
Aug 4, 2024 55
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Munaasabada xafladan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxamed Shaalle, Kuxigeennada xafiiska xirfadaha iyo shaqo-abuurka, masuuliyiinta kuliyada iyo martisharaf kale. Kuliyada ayaa waxaa ka qalinjabiyay 704 arday oo ah kuwa joogtada ah islamarkaana bartay xirfadaha dhaadheer ee heerka dhibloomada. Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ardayda munaasabada qalinjabintooda isaga oo ku booriyay xirfadaha ay barteen inay uga faa’iideeyaan naftooda iyo bulshadooda. Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Marwo Hibo Axmed iyo Maareeyaha kuliyada xirfadaha Jigjiga Mudane Nasir Axmed ayaa sheegay in kuliyada lagu sameeyay isbadal balaadhan oo la xidhiidha dhanka soo saarista xirfadlayaal ka faa’iidaysta furaadaha shaqo ee ka jira suuqa. Ugu dambayn waxaa madashan lagu abaalmariyay ardaydii kaalmaha u horeeyay ugalay kuliyada, waxaana la gudoonsiiyay abaalmarino qaali ah oo lagu dhiirigalinayo.
Waxaa ka xukumad ahaan naga go'an inaan si dhakhsa ah u dhamaystirno dhismaha goroonka diyaaraddaha ee degmada Doollo Caddo- Mudane Maxamed Fataax Maxamed
Aug 4, 2024 63
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Masuuuliyiin heer deegaan oo uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Maxamed Fataax iyo Madaxa Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS Mudane Axmed Rashiid, maamulka gobolka Liibaan iyo kan degmada Doollo Caddo ayaa kormeer iyo indho’indhayn ku sameeyay habsami usocodka mashaariicaha horumarineed ee ka socda degmada Doolo Caddo. Mashaariicdan ayaa kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Doollo Caddo oo ay bulshadu isku tashi shacab ku dhisayaan ,dhismaha xarunta shaybaadhka beeraha, ceelasha biyaha ee ay ka cabto magaaladu ,iyo goobaha uu wabiga fatahaadaha ku sameeyo. Ugu dambayn masuuliyiinta ayaa kulan la qaatay odoyaasha iyo wax garradka gobolka Liibaan iyadoo laga dhagaystay tabashooyika ay bulshada gobolku qabaan.
Kulan ku saabsan jaraa'idka xisbiga Barwaaqi ayaa ka qabsoomay magaalada Fiiq
Aug 4, 2024 57
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh, Madaxa Xafiiska Jidadka DDS Mudane Idriis Muuse iyo Guddoomiyaha Gobolka Erer ayaa shir guddoomiyay dood ku saabsan buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo oo loo qabtay hoggaaminta dhaxe ee dagmooyinka gobolka Erer. Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen hoggaaminta dhaxe ee degmooyinka gobolka Erer ayaa si qoto dheer loogu lafo guray buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo iyagoo intii ay socotay dooddu hoggaaminta su'aalo iyo talobixino ay kusoo bandhigeen. Masuuliyiinta ayaana ka jawaabayay su'aalaha iyo aragtiyaha hoggaaminta lana wadaagay talooyin iyo fikrado la xiriira fahamka habboon ee buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo iyo jihooyinka dhisida xisbi adag. Dhanka kale barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga oo isugu jiray dhiig shubis iyo dhir beeris ayaa laga sameeyay madasha shirarka ee magaalada fiiq, ol'olahan dhiig uruurinta ah ayaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo baahida dhiig yaraanta islamarkaana wax weyn ka beddali doonta xaaladda caafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka Erer Waxayna iyo masuuliyiinta heer deegaan iyo kuwa gobolka Erer soo kormeereen, saylada xoolaha magaalada Fiiq, adeegbixinta cusbitaalka magaalada iyo kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Fiiq.
Munaasabad mahadnaq ah ayaa loo qabtay dhakhaatiir muddo 10 maalmooda ol'ole qaliinka indhaha oo bilaash ah ka waday Deegaanka
Aug 4, 2024 65
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Ol'olahan qaliinka indhaha oo ay si wadajira isaga kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka, Xafiiska Caafimaadka DDS iyo Hay'adda Direct Aid ee Itoobiya ayaa waxay ol'olahan qaliinka ka fuliyeen cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga iyadoo ay ka faa'iidaysteen shacabka degmooyinka gobolka Faafan iyo cusbitaalka Godey. Waxaana qaliinka iyo daaweynta indhaha labadan gobol ka faa'iidaystay dad ay tiradoodu ka badan tahay 1,200 oo qof. Dhakhaatiirtan waday qaliinka indhaha oo loo qabtay munaasabad mahadnaqa ayaa waxaa munaasabadan kasoo qaybgalay Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDS, Mudane Maxamed Ayaanle iyo Mareeyaha cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga Dr. Maxamed Muxummed. Ugu dambayntii waxaa munaasabadan abaalmarin kala duwan lagu gudoonsiiyay dhakhaatiirta indhaha ee ka qeybqaadatay ol'olahan qaliinka indhaha.
Golaha Wakiilada Shacabka ayaa taageero u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay dhul go’a gobalka Gaofaa
Aug 3, 2024 52
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 27/2016T.I.(ENA): Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ku taageeray 5 Milyan oo Birr oo loogu talagalay in loogu adeego dadka ay saameysay dhul go’a ka dhacay degmada Gase Goofaa ee gobalka Goofaa. Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Nabadda ee Golaha Eakiilada Shacabka Fatxi Mahdi (Dr.) ayaa sheegay in Goluhu ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin musiibadaas. Waxayna ku taageereen lacag dhan 5 milyan oo Birr oo loogu talagalay dadka dhaawaca ah. Dhankiisa waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ee arrimaha ganacsiga dawlada Dr. Inj. Silashi Koore, isagoo sheegay in goluhu uu sii xoojin doono taakulaynta dadka dhibaatadu ay soo gaadhay. Gudoomiyaha Gobalka Goofaa Inj. Dhaagmaawi Ayala oo taageeradaas ka guddoomay ayaa isagoo ku hadlaya magaca dhibanayaasha uga mahadceliyey kaalmada ay soo gaarsiiyeen golaha wakiilada shacabku.
Jaamacadda Bahir Dar ayaa qabatay xaflada qalin jabinayta ardaydeeda
Aug 3, 2024 72
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 27/2016T.I.(ENA): Jaamacadda Bahir Dar ayaa waxaa ka qalin jabineysa arday baratay qeybaha kala duwan ee waxbarashada. Warbaahinta deegaanka ee Ameco ayaa ku warantay in tirada ardayda ee maanta ka qalin jabineyso jaamacada ay gaarayaan 8,524 arday. Xafladda qalin jabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha jaamacadda Mangasha Ayane (Dr.), madaxda sare ee jaamacadda, macalimiin, ardaydii qalin jabineysay iyo qoysaskooda, iyo marti sharaf lagu casuumay.
Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa gaadhay magaalada Qabridahar
Aug 2, 2024 96
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS Dr. Xuseen Qaasim iyo Madaxa Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DDS ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahar. Masuuliyiintan oo shaqo u yimid ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee ka fulay magaalada Qabridahar iyo sidoo kale dooda jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo ee ay ku jiraan hogaaminta degmooyinka gobolka Qorraxey iyo Maamulka Magaalada Qabridahar. Waxayna warbixino kala duwan oo ku saabsan geedi-socodka shaqooyinka iyo horumarinta magaalada Qabridahar ka qaateen maamulka gobolka Qorraxay iyo Maamulka Magaalada Qabridahar.
Baadhitaan caafimaad oo bilaash ah oo loogu talagalay inay ka faa'iidaystaan 75 kun oo qof ayaa la bilaabay
Aug 2, 2024 69
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Waxaa deegaanka Hararida ka bilowday adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo baadhis iyo daawaynba ah, taasoo la doonayo inay ka faa'iidaystaan 75 kun oo qof. Yaasiin Cabdullaahi oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee deegaanka ayaa sheegay in adeeggan ay ka faa’ideysanayaan dadka aan iska bixin karin kharashka daweynta. Waxa kale oo uu sheegay in laga bilaabo maanta ay bixinayaan xarumaha caafimaadka ee dawladda, isbitaallo gaar loo leeyahay iyo goobo caafimaad oo la soo xulay, taasoo soconaysa 10 maalmood oo xidhiidh ah. Ugu dambayntii Waxa uu xusay in xanuunka macaanka, dhiig karka, xanuunada indhaha iyo xanuunada kale ee faafa iyo kuwa aan faafinba lagu daweyn doono laguna baari doono lacag la’aan.
In ka badan 423 kun oo heshiisyada kirada guryaha ah ayaa laga diiwaan galiyay guud ahaan magaalada Addis Ababa – Xafiiska Horumarinta iyo Maamulka Guryaha ee Addis Ababa
Aug 2, 2024 70
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Xafiiska Horumarinta iyo Maamulka Guryaha ee Addis Ababa ayaa shaaca ka qaaday in inka badan 423,000 oo heshiisyada kirada guryaha ah laga diwaangaliyay Addis Ababa. Waa in la xasuusnaado in diiwaan gelinta qandaraaska kiraynta ee Madinawa la qabtay 1-da Juun ilaa 24-ka Luulyo, 2016. Diwaangalinta heshiiska kirada guryaha ayaa socotay 1da- Agaali/Sane ilaa iyo 24ka-Afagaal/Hamle, 2016T.I. Xafiisku waxa uu u mahadnaqay mulkiilayaasha guryaha iyo kiraystayaasha isku diwaan galiyay mudada loo cayimay iyo sidoo kale shaqaalaha hawshaasi gacanta ku hayay. Ugu dambayntii, ka dib markii la soo saaray xeerka xakamaynta iyo maaraynta guryaha deegaanka ee xeer Lr. 1320/2016, maamulka caasimadu waxay soo saareen wareegto dhaqan gelin ah ee xeer Lr 7/2016, waxaana diiwaangelinta heshiiska kirada guryaha ay socotay habeen iyo maalin maalmaha fasaxa ee Sabtida iyo Axada.
Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa kormeer ku soo sameeyay adeegbixinta cusbitaalka guud ee Godey.
Aug 1, 2024 74
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed iyo Madaxa Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ah ee DDS Inj. Muxyadiin Cabdi iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeele iyo duqa maamulka magaalada Godey ayaa soo kormeeray adeegbixinta iyo ballaadhinta cusbitaalka guud ee magaalada Godey. Kormeerkaasi kadib, masuuliyiinta ayaa waxay sidoo kale dhirbeeris ku sameeyeen xafiiska cusub ee Maamulka Magaalada Godey.
Waxaa xadhiga laga jaray warshada furinka iyo daqiiqda ee laga dhisay magaalada Naqamte
Aug 1, 2024 76
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Waxaa magaalada Naqamte ee deegaanka Oromiya laga xadhigjaray warshada furinka iyo daqiiqda oo ay hirgalisay xafiiska marwada koowaad ee dalka. Madashii lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa ka soo qayb galay marwada koowaad ee dalka Sinaash Taayaajew, Madaxweynaha deegaanka Oromiya Shiimalis Abdisa iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer deegaan ah. Warshadan ayaa waxay awood u leedahay inay soo saarto 420 kiintal oo bur ah maalintii, waxaana la filayaa inay soo saarto in ka badan 300,000 oo xabo oo Rooti ah maalintii. Ugu dambayntii warshadan ayaa fursado shaqo u abuuri doonta 300 oo dhalinyaro iyo xirfadlayaal ah oo ku sugan magaalada Naqamte.
Saynis yahano caalami ah ayaa booqanaya goobaha dalxiiska iyo mashaariicda Addis Ababa
Aug 1, 2024 86
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): In ka badan 200 oo saynisyahano ah oo u yimid ka qayb galka sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay markii la helay qalfoofka Luusi (Lucy) ayaa booqanaya goobaha dalxiis iyo mashaariicda Addis Ababa. Maareeyaha Guud ee Wakaalada Dhaxalka Itoobiya Kaaliye Broofeesor Ababaw Ayaalaw ayaa ka qayb galay Booqashadan Madxafka Xuska guusha Adwa ayaa warbixin iyo sharaxaad ka siiyay taariikhda. Waxaa la xusuustaa in saynis yahano badan oo ka kala socday dalalka kala duwan ee caalamka ay u yimaadeen dalka Itoobiya si ay uga qayb qaataan 50 guurada ka soo wareegtay markii la helay qalfoofka cajiibka ah ee Luusi (Lucy).
Waxaa maalinkii labaad ka socda cusbitaalka darajada koowaad ee Jigjiga ol'olaha qaliinka indhaha oo bilshaa ah
Jul 31, 2024 87
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 24/2016T.I.(ENA): Qaliinkan indhaha oo ay iska kaashanayaan xafiiska caafimadka deegaanka iyo hay'ada Direct Aid Ethiopia ayaa waxaa qorshaysan in looga faa'iideeyo islamarkaana qaliin Iyo daawayn loo sameeyo dad ka badan 600 oo qof oo ka kala imaanaya magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda iyo guud ahaan gobolka Faafan. Bulshada adeegan qaliinka indhaha ka faa'iidaysatay ayaa bogaadiyay sida loogu adeegay. Ugu dambayntii maareeye kuxigeenka cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Jigjiga Dr. Axmed Maxamed ayaa bulshada ugu baaqay in laga faa'iidaysto mudadda uu qalinka bilaashka ee indhuhu socdo.
Xafiiska Maaliyada Diri Dhaba ayaa ku deeqay agab shaqeed kala duwan
Jul 30, 2024 67
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha ee Ismaamulka Diri Dhaba waaxdiisa iibka iyo hanti dhawrka dawlada ayaa xafiisyada, degmooyinka iyo kilaastar ugu deeqay agabyo kala duwan oo u fudaydinaaya shaqada, kuwaas oo ay kamid yihiin agabyada elektironiga ah. Waxa lagu wareejiyay 9ka degmo, 4ta kilaster iyo qaar kamida xafisyada Ismaamulka Diri Dhaba taaso ay ku baxday lacag kor u dhaafaysa 27 milyan oo birr. Marwo Muluka Maxamed oo ah madaxa xafiska maliyada iyo horumarinta dhaqalaha ee Ismaamulka Diri Dhaba oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in agabkan lagu dhiiri galinayo goobaha shaqada si aysan dib u dhac ugu iman shaqada, shaqaalaha iyo adeegyada kala duwan ee loo fidinayo bulshada. Ugu dambayntii xafiisyada lagudoonsiiyay agabkani ayaa ka mahadceliyay iyagoo sheegay in ay uga faa'iidaysan doonaan agabkan si wanaagsan.
Dib u dayactirka qasriga madaxtooyada ee Faasil
Jul 30, 2024 65
Waxaa la bilaabay dib u dayactir Qasriga madaxtooyada ee Fasil ee magaalada Gonder. Qasriga ayaana ku sugan xaalad aad u wanaagsan. Faasil waxaanu ku soo celin doonaa mardhow quruxdiisii hore wakhti aan dheerayn. – Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed
Maamulka magaalada Diri Dhaba ayaa 5 milyan oo birr ugu deeqay gobalka Gofa
Jul 30, 2024 70
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Maamulka magaalada Diri Dhaba ayaa lacag dhan shan milyan oo Birr ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay dhul go’ii ka dhacay qabalaha Kenjo Shaaja Gosdhi ee degmada Gase Goofa ee gobalka Gofa. Tilaahun Kabadha oo ah Madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa ka mahad celiyay taageeradan, isagoo ugu baaqay shacabka Itoobiya inay sii wadaan taageerada iyi garab istaaga ay u muujinayaan bulshada ay masiibadu ku habsatay, iyadoo la wado dadaalo dib u dejin loogu samaynayo bulshadaas. Ugu dambayntii duqa maamulka magaalada Diri Dhaba Khadiir Juhaar ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Goofa, isagoo ku wareejiyay taageero lacageed oo dhan 5milyan oo birr, sida ay sheegayso xogta aan ka hayno xafiiska madaxweynaha ee deegaanka Konfurta Itoobiya.