Wararka Caalamka
Heshiiska ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa loo arkaa mid fure u ah marin u helka badda iyo xidhiidhka istiraatijiyadeed ee gobolka.
Jan 16, 2024 966
Addis Ababa; January 03/2016(SDN)- Waxaa lagu xasuusan doonaa in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo u ogolaanaya Itoobiya inay yeelato deked badeed. Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay hesho kiro dhul ah oo u sahlaya inay dhisato deked iyo saldhig ciidan, halka Somaliland ay saami ka heli doonto shirkadda horumarinta Itoobiya. African News oo si weyn u falanqaysay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, ayaa tilmaantay in heshiiskan uu faa’iido weyn u leeyahay dhinacyada dhaqan-dhaqaale. Waxaa la arkayaa in heshiiskan uu Itoobiya u sahlayo in ay hesho albaab badeed oo ay ballaariso marinkeeda suuqa iyada oo la siinayo deked dheeraad ah oo wax soo saarkeeda lagu keydiyo. Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan, isla markaana ah waddan dhaqaale badan leh, ayaa lagu soo gebagebeeyey heshiis muhiim ah, waxaanay warbixintu sheegtay in heshiiskani uu xoojinayo xidhiidhka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itoobiya iyo Somaliland. Sida Cali Hojij oo ah khabiir sare oo ku xeel dheer dhaqaalaha gobolka iyo arrimaha la xidhiidha ayaa warbixinta ku tilmaamay in Itoobiya oo ah mulkiilaha dhaqaalaha baaxadda leh ee gobolka iyo dadwaynahaba looga baahan yahay inay qaado tallaabooyin dhinacyo badan leh oo ku habboon horumarka ay ku socoto. Waxa uu wasiirku ku micneeyey in heshiiska ay Somaliland la galeen uu yahay tallaabo muhiim ah oo aan xoojinayn xidhiidhka labada dhinac, balse uu balaadhinayo isticmaalka dekedda oo Jabuuti oo keliya ahayd. Khabiirka ayaa sheegay in heshiiskan uu dhacay markii ay Itoobiya ku biirtay dalalka BRICS, uuna yahay mid guul weyn kasoo hooyay, isla markaana uu muujinayo waxqabadka istaraatiijiyadeed ee Itoobiya sanadkan.   Waxa kale oo ay sheegeen in heshiiskani uu u sahli doono Itoobiya inay ballaadhiso xidhiidhka dhinacyo badan leh ee ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah BRICS. Khabiirkan ayaa sheegay in heshiiskan uu fure u yahay ka qayb qaadashada dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee gayiga iyo bariga dhexe. ​  
Wakaalada Warka Itoobiya
2015