Ciyaaraha
Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Tamasgan ayaa booqday hannaanka dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahirdar
Aug 1, 2024 48
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Tamasgan Tirunah ayaa booqday qaabka ay u socoto dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahir Dar.   Waxaa waftiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ku wehelinayay, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Dalka, General Ababaw Tadhasa, Taliyaha Hoggaanka Danbi baarista Booliska Federaalka, Taliye ku-xigeenka G/sare Salaalam Mangiste, Madax heer Federaal iyo heer deegaan iskugu jirta.   Masuuliyiinta ayaa booqday qaabka uu u socdo dhismaha garoonka, waxaana warbixino iyi sharaxaad ka siiyay mas’uuliyiinta iyo khubarada gacanta ku haysa ee deegaanka.   Wareegii labaad ee dhismuhu waxa uu bilaabmay bishii ginbood 2015. Garoonka caalamiga ah ee Bahir Dar ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 1.8 bilyan oo Birr, waxaana dhismuhu uu gaadhay boqolkiiba 57.   Garoonkan oo loo dhisay si waafaqsan halbeegyada xiriirka kubadda cagta Afrika ee (CAF), iyadoo ay dhisayaan 47 Qandaraaslayaal muwaadiniin ah iyo Ajaaniboo ka kala socda qaybo kala duwan oo dhsimaha ah.   Waxaa la sheegay in samaynta kuraasta caadiga ah ay ka socoto dalka dibadiisa, waxaana garoonka loo kala saari doonaa qaybta cawska, kuraasta iyo kuraasta gaarka ah ee martida, kuwaasi oo loo diyaariyay loona dejiyo si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.   Dhismahan ayaa la qorsheynayaa in la soo gaba gabeeyo bartamaha sanadkan 2017-ka, iyadoo ay dadaalkeeda socoto.   Ugu dambayntii mas’uuliyiintii ugu sareysay ee kormeerka ku sameeyay garoonka ayaa waxa ay ka sameeyeen garoonka barnaamijka dhir beerista ee raadka cagaaran.
Waxaa loo baahan yahay in si weyn ay uga qayb qaataan khubarada warbaahinta iyo isgaadhsiinta dadaalka loogu jiro dhamaystirka dhismaha biyo xidheenka wayn ee Itoobiya.
Jun 19, 2024 384
Addis Ababa, Agaali/Sane, 10/2016T.I.(ENA): Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhinta Biyo-xidheenka Weyn ee Abaay, Dr. Aragaawi Barihe ayaa sheegay in ka-qaybgalka xooggan ee khubarada warbaahinta iyo isgaadhsiinta ay lagama maarmaan u tahay dadaalka loogu jiro dhamaystirka dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Abaay. Xuska sanad guurada 13-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dhismaha biyo xidheenka wayn ee Itoobiya ayaa waxa uu xafiisku kulan la qaadanayaa khubarada dhinaca warbaahinta iyo isgaadhsiinta iyadoo halku dhag looga dhigay "Si wada jir ah ayaan u qabanay". Maareeyaha Xafiiska Isku-dubaridka Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, Dr. Aragaawi Barihe ayaa xusay in dhismaha biyo-xidheenka ay si weyn uga qaybqaadanayaan oo ay ku hawlan yihiin muwaadiniinta dalka.   Waxa uu xusay in laba marawaxadaha biyo-xidheenka ah ay bilaabeen inay dhaliyaan koronto, isla markaana guud ahaan dhismaha biyo-xidheenka uu gaadhay 96 boqolkiiba. Waxa uu sheegay in la xoojiyay howlaha ilaalinta deegaanka iyo horumarinta barnaamijka cagaarinta si aysan biyo-xireenku uga biuxsamin carro. Si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in si weyn ay uga qayb-qaataan khubarada ku xeel-dheer warbaahinta iyo isgaadhsiinta si loo diiwaan geliyo taariikhda, geeddi-socodka dhismaha iyo kor-u-qaadista baaxadda biyo-xidheenka, iyo sidoo kale xoojinta ka-qaybgalka muwaadiniinta. Ugu dambayntii wuxuu uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen dhismaha biyo xidheenka, isagoo sheegay in madashan ay tahay sidii loo xoojin lahaa ka qayb galka khubarada warbaahinta iyo dajinta jihooyinka xiga.
Kooxdii ciyaartooyinka Itoobiya ee ka qaybgalay tartanka 13-aad ee Afirka ayaa si diiran loogu soodhaweyay garoonka caalimiga ee Bolee.
Mar 26, 2024 678
Addis Ababa, magaabid 17, 2016 (ENA) — Koxdii ciyaaraha tartanka guud ee 13-aad ee Afirka uga qaybgalay Itoobiya oo kaalinta 8-aad baxaay ayaa sidiiran logu sogaadhay Addis Ababa.   Madaxda saree e dawlada ee koxda sodhawaysay waxa kamid ah wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha Kejela Merdasan, wasiir ku xigeenka horumarinta ciyaaraha Ambassador Mesfin Chernet, gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Itoobiya, Derartu Tuluna iyo xubno kale.   Ciyaaraha Afrika ayaa dhawanta kasoday magaalada Accra ee Ghana . In ka badan 5,000 oo ciyaartoy oo ka kala socda 53 waddan ayaa kaga qayb qaatay 29 ciyaarood.   Itoobiya waxa uga qayb galay 165 ciyaartoyin oo ka qayb galay shan tartanka Olombikada ah iyo guud ahaan afar ciyaaraha Olombikada. Ciyaaraha fudud, kubbadda cagta, kubbadda biyaha, kubbadda miiska iyo garoonka, feerka, kubbadda kolayga, baaskiilka iyo World Taekwondo Itoobiya ayaa ka qayb galay tartamada. Itoobiya ayaa kaalinta 8-aad baxday iyadoo heshay 9 dahab, 8 qalin iyo 5 maar ah. 22-ka billadood ee ay Itoobiya ku guulaysatay, 18 ka mid ah waxay ku guulaysteen ciyaaraha fudud, 7 dahab, 7 qalin ah iyo 4 maar ah.   Intaa waxaa dheer, Itoobiya inay ku guuleysatay laba billadood oo dahab ah iyo hal biladood oo maar ah dhinaca feerka iyo baaskiilka. Sida ay sheegtay wasaaradda dhaqanka iyo ciyaarahu koxda Itoobiya uga qayb gaadatay ciyaaraha 13-aad ee Afrika ayaa lo loqaban doonaa munaasibad abaal marin.
 Tartanka koobka 34-aad ee Afrika,oo wali socda ayaa aad  loosugayaa  ciyaarta Senegal ay caawa lacyaarayso  xulka Cote d’Ivoire
Jan 29, 2024 142
Addis Ababa, Tir 20, 2016 (ENA) — Xulka qaranka Senegal oo ku guuleystay koobka 33-aad ee Qaramada Afrika ayaa caawa la ciyaari doona xulka martigelinaya koobka 34-aad ee Qaramada Afrika ee Côte d'Ivoire. Koobka qaramada Afrika oo ah kii 34-aad ayaa maanta galay maalintiisii 17-aad, waxaana la ciyaari doonaa laba kulan. Xulkii ku guulaysta koobka qaramada Afrika ee 33-aad ee Senegal ayaa sugaya koobka 34-aad oo ay la ciyaaraan xulka marti galinaya koobka ee Côte d’Ivoire saacada 5:00 habenimo .   Senegal ayaa badisay seddexdii kulan ee ay ciyaartay qeybta seddexaad, waxaana ay ku soo biirtay group-ka iyagoo wadata sagaal dhibcood. Waa markii 3-aad oo ay labada dal ku kulmaan koobka qaramada Afrika, waxaana labadii kulan ee hore ee koobkan ku guuleystay Cote d’Ivoire. Senegal ayaa ku jirta kaalinta 20-aad iyo Côte d’Ivoire 49-aad ee qiimeynta bilaha ah ee FIFA. Ciyaarta kale ee isreebreebka ah, Cape Verde waxay la ciyaari doontaa Mauritania 2:00 fiidnimo. Cape Verde ayaa soo gashay wareega 16-ka iyadoo wadata todobo dhibcood oo kaalinta koowaad kaga soo baxday Group-ka labaad, waana markii seddexaad oo ay soo baxdo wareega 16-ka ee koobka qaramada Afrika. Dalka Mauritania oo ku jiray Group-ka 4-aad ayaa ka mid ah wadamada ku soo biiray kooxda si ay uga soo baxaan 3-da kooxood ee ugu sareeya iyaga oo leh 3 dhibcood. Dalka Mauritania oo markii saddexaad ka qayb galaya koobka qaramada Afrika ayaa markii ugu horaysay taariikhda gashay heerka knockout-ka ee koobka qaramada Afrika. Waxay kaga jirtaa Cape Verde kaalinta 73aad ee qiimeynta bilaha ah ee FIFA; Mauritania waxa ay gashay kaalinta 105-aad. Kooxaha maanta guulaysta ayaa wada ciyaari doona wareega 8 dhamaadka. Marka la eego ciyaarihii isreebreebka ee xalay,ayay Guinea kabadsay Equatorial Guinea; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa garaacday Masar una soo baxday wareega 8-da. Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in Angola, Nigeria, Guinea iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay u soo gudbeen wareega isrebrebka 8 kooxod.
Wakaalada Warka Itoobiya
2015