Siyaasada
Shirkadaha Shiinaha ayaa loogu baaqay inay xoojiyaan ka qaybqaadashadooda qaybaha maalgashiga ee mudnaanta leh ee Itoobiya
Aug 2, 2024 45
Addis Ababa; Afagaal/Hamle 26/2016 (ENA): Shirkadaha Shiinaha ayaa loogu baaqay inay xoojiyaan doorkooda ka qaybgalka maalgashiga mudnaanta leh ee Itoobiya.   Shirka Madasha Ganacsiga ee Itoobiya-Shiinaha ayaa ka socda Addis Ababa.   Khudbad uu ka jeediyay furitaankii madasha, Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda ee JDFI Danjire Misgaanu Argaa, waxa uu ugu baaqay maalgashadayaasha iyo shirkadaha Shiinaha inay xoojiyaan ka qayb-galkooda habaynta beeraha, macdanta, tignoolajiyada, dalxiiska, dharka iyo maryaha oo ay dawladdu mudnaanta siisay.   Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in Itoobiya ay caan ku noqotay maalgashiyada shisheeye shantii sano ee u dambeeyay. Danjire Misgaanu ayaa tilmaamay in isbedellada ay dowladdu ku sameysay dib u habeynta dhaqaalaha guud ay xoojineyso qulqulka maalgashiga shisheeye ee dalka. Maareeyaha Shirkadda horumarinta seerayaasha warshadaha Itoobiya Dr. Fisaha Yatagasu ayaa sharaxaad ka bixisay hawlaha adeeg ee ay dawladu u fulinayso shirkadaha ka qayb qaadanaya maalgashiga.   Waxa uu sidoo kale sheegay in meesha laga saaray caqabadihii hore si loo ballaariyo qulqulka maalgashiga shisheeye. Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada iyo iskaashiga ee Itiyo-Shiibaha Beti Su, ayaa sheegtay in maalgashadayaasha Shiinuhu ay kor u qaadayaan ka qaybgalka maalgashiga kala duwan ee Itoobiya.   Ugu dambayntii xogta laga helayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamaysa in Itoobiya iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen iskaashi aanay bedbedalin xaaladuhu.
Kalfadhigii Golaha Dawlada Deegaanka soomaalida Ayaa Gabagabadii lagu ansixiyay magacaabisyo
Jul 26, 2024 70
Jigjiga Afagaal/Hamle 19/2016 (ENA): kalfadhigii 7aad ee caadiga ahaa ee Golaha dawlada deegaanka Soomaalida oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagusoo gabagabeeyay ansixinta magacaabista todobo mas’uul.   Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay warbixinta qorshaha iyo waxqabadka sannad-miisaaniyadeedka 2016ka ee dawlad-deegaanka soomaalida, isagoo xusay in la qabtay waxqabad wanaagsan oo dhinaca horumarka iyo maamulka suuban ah.   Sidoo kale, Waxa uu golohu ansixiyay warbixinnada waxqabadka Maxkamadda Sare iyo Xafiiska Hanti-dhowrka. Kulanka maanta ayaa Waxa uu goluhu warbixin kaga dhageystay madaxa wakaalada warbaahinta mudane C/laahi Xuseen.   Waxa uu sheegay in idaacada FM-ta iyo Telefishinada ay aas aastay wakaaladu iyo sidoo kale baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ay soo bandhigeen barnaamijyo ka hadlaya arimaha bulshada,dhaqaalaha iyo siyaasada. Waxa uu Sheegay in Wakaaladu ay dhawaan laamo ka furatay magaalada Addis Ababa iyo ismaamulka Diridhaba si ay u balaadhiso helitaankeeda,.   Ugu dambayn Golaha ayaa ansixiyay magacaabista todobo mas’uul oo uu horkeenay madaxweynaha dowladda deegaanka soomaalida mudane Mustafe Muxamed. Xafiisyada mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah 1. Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka 2. Xafiiska Dakhliga 3. Xafiiska maalgashiga iyo warshadaha 4. Xafiiska Macdanta, shidaalka iyo tamarta 5. Xafiiska shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada 6. Xafiiska Sayniska iyo Tignoolajiyada 7. Xafiiska Jidadka
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa u dhignaa sidan
Jul 26, 2024 79
Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya wuxuu si dhaw ula socdaa weedhaha kicinta ah ee soo noqnoqday ee ka soo yeedhaya Dawladda Federaalka Soomaaliya. Si ka duwan eedaymaha aan salka lahayn ee Dawladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Itoobiya waxay si hagar la'aan ah ugu tafoxaydatay ka shaqaynta xasilloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal. Itoobiya waxay, haddaba, aad uga xuntahay hadallada aan loo meel dayin iyo mas'uuliyad-darrada ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay muhmal (shaki) u galiyaan doorka togan ee Dawladda Itoobiya ay ku leedahay dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Iyadoo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo midka taariikheed ee ku dhidban dhiigga iyo dhidid wadaagga, Itoobiya waxay qaadatay in aysan dheg jalaq u siin eedaymaha marinka habowsan ee ka soo burqanaya madaxda Soomaaliya. Itoobiya oo ay u muuqato dawdarrada eedaymaha qaawan ee lala daba socdo, waxay haddana door bidday in ay qaaddo hillinka samirka, qalqaalada togan iyo baxnaannada danta guud ee dadkeena aan marnaba kala maarmayn. Itoobiya waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto ka ganacsiga hubka fudud ee ku soo qulqulaya Geeska Afrika. Loollanka colaaddeed ee ka aloosan xeebaha iyo sidoo kale xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, waxaa lamahuraan ah in ay dalalka gobolku isku dubariddaan dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka dambiyada noocan ah. Itoobiya waxay jeceshahay in ay ku celiso ku kakanaanteeda la dagaallanka argagixisada iyo fiditaanka qoryaha yar yar ee sharci darrada ah, hubka fudud iyo walxaha qaraxyada loo isticmaalo. Itoobiya waxay sii wadi doontaa garab istaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka. 26 Luulyo 2024 Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Fadaraalka Itoobiya.
Wakaalada Warka Itoobiya
2015