Ilaalinta Deegaanka
Hogaaminta iyo shaqaalaha Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ayaa sameeyey dhirbeeris
Jul 24, 2024 93
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 17/2016T.I.(ENA): Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo uu ka mid yahay Mudane Aadan Faarax, ayaa sameeyey dhir beerista barnaamijka raadka cagaaran.   Madaxa Xarunta Iskuxidhka Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyada ahna Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo lehna awood ra'iisul wasaare kuxigeen ee dalka mudane Aadan Faarax iyo shaqaalaha xafiiska ayaa si wada jir ah uga wada qayb qaatay dhir beerista barnaamijka raadka cagaaran iyagoo ka fuliyay magaalo hoosaadka Lemi Kuura.   Mudane Aadan Faarax ayaa khudbadii uu halkaas ka jeediyay ku nuux nuuxsaday in barnaamijkan raadka Cagaaran uu yahay hindise aad u wayn oo isku xidhaya jiilasha shalay, kuwa maanta iyo kuwa berriba isagoo xusay in Itoobiya ay kasoo baxayso doorkeeda kaga aadan ilaalinta deegaanka iyo abuurista deegaan wanaagsan.   Waxa uu sheegay in ay suurtagal tahay in la sii wado taariikhihii shalay la sameeyay, si looga hortago masiibooyinkan si joogto ah, iyo in laga ilaaliyo muuqaalkeena saamaynta isbeddelka cimilada. Waxa uu sheegay in ay kaalin mug leh ka qaadaneyso abuurista fursado shaqo, kordhinta wax soo saarka iyo xaqiijinta sugnaanta iyo iskufilnaanshaha cuntada ee jiilka maanta. Waxa kale oo uu xusay in ay si weyn uga qayb qaateen dhismaha dhaqaalaha cagaaran ee aanay saamaynta ku yeelanayn is bedelka cimilada. Ugu dambayntii Mudane Aadan ayaa sheegay inay tahay in lasii xoojiyo shaqada dhirbeeris ee barnaamijka raadka cagaaran ee miyi iyo magaalaba, isagoo xusay in Xisbiga Barwaaqo uu sii wadi doono gudashada doorkiisa hogaamineed ee xaqiijinta iyo guul ka gaadhida barnaamijkan.
Barnaamijka raadka cagaaran ayaa ah mid faa'iido balaadhan u leh deegaanka Soomaalida, kaasoo ka hortgaya isbedelka cimilada - Madaxweyne Mustafe Muxumed
Jul 5, 2024 210
Addis Ababa, Agaali/Sane, 28/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed ayaa kale sheegay in dhirta la beeray sannadadii la soo dhaafay ay u keentay magaalooyinka bilic wanaagsan marka laga soo tago faa’iidooyinka ay u leedahay ilaalinta deegaanka iyo isbedelka cimilada. Madaxweynaha ayaa waraysi uu siiyay wakaalada wararka ee Itoobiya sheegay in barnaamijka raadka cagaaran uu yahay arrin muhiim u ah ilaalinta deegaanka, kaasoo si uu sheegay in uu si weyn uga hortagayo isbeddelka cimilada ee saameeyey deegaanka. Waxa uu sheegay in tan iyo markii barnaamijka raadka cagaaran uu si rasmi ah u bilaabay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu noqdo mid faa'iido u yeesha, ka hortaga isbedelka cimilada iyo isku filnaanshaha cunto iyadoo ay hirgaliyaan sanad walba dhamaan deegaannada dalka.   Sanadadii la soo dhaafay, marka laga reebo ilaalinta deegaanka ee dhirta dhulka joogiisu hooseeyo ee deegaanka, waxaa la qabtay shaqooyin balaadhan oo barnaamijka raadka cagaaran ah oo isbedel la taaban karo laga dareemayo magaalooyinka deegaanka   Kordhinta heer daboolka dhirta ee kaymaha ee magaalooyinka, raadka cagaaran ayaa keenay isbeddel ballaaran oo bilicda iyo dabeecadda cimilada magaalooyinka, marka laga soo taho faa'iidada ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada.   Magaalooyinka Goday, Qaridahar iyo Dhagaxbuur ayaa kamid ah magaalooyinka sida wayn looga hirgaliyay barnaamijka raadka cagaaran ee deegaanka. Cabdulaahi Cali, Duqa magaalada Godey ayaa sheegay in isbedelkii kadib magaalada Godey laga dareemayo horumar balaadhan oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo maalgashiga. Waxay uu cadeeyey inay hirgaliyeen goobo cagaarin ah oo bilicda magaalada kor u qaaday noqotayna goobo madadaalo oo ay dadwaynuhu wakhti ku qaataan, iyadoo shaqo abuur ay ka heleen bulsho kala duwan. Dhankiisa Duqa Maamulka Magaalada Qab
Wakaalada Warka Itoobiya
2015