Dhallinyarada deegaanka Soomaalida ayaa laga codsaday inay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka



Addis Ababa  Tahsaas 30,2016 (ENA): Madaxwayne  ku xigeenka dawlada deegaanka soomalida mudane ibraahim Cismaan ayaa ku booriyay dhalinyarada deegaanka Soomaalida in ay ku biiraan qaabdhismeedyada kala duwan ee ay u baahan yihiin, kana shaqeeyaan horumarka guud.


 

Barnaamijka dhismaha golaha dhalinyarada oo uu soo agaasimay xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha deegaanka soomaalida oo kaashanaya wasaarada haweenka iyo arimaha bulshada ayaa maanta lagu qabtay magaalada jigjiga.

Golahan oo  ka kooban 60 xubnood ayaa lagu dhisay. waxaana laga dhex doortay 12 xubnood oo gudiga fulinta ah.

Sida uu Sheegay Madaxwayne  barnaamijka; Dhalinyarada deegaanka ayaa looga fadhiyaa in ay ka shaqeeyaan horumarka guud ee deegaankooda iyo dalkooda iyagoo ku soo biiray ururka dhalinyarada.

"Dhallinyarada waa in ay ururradu soo dhaweeyaan baahidooda oo ay doorkooda aan la bedeli karin ka qaataan horumarinta caalamiga ah," ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Waxa ay sheegeen in Ururada ay aas aaseen halinyaradu aysan kaliya u suurta galin in ay ilaashadaan xuquuqdooda iyo danahooda,balse ay xoojiyaan  midnimada.


 

Ku xigeenka madaxa xukuumada ayaa xaqiijiyay in dowlad goboleedka ay gacan buuxda ka geysan doonto sidii looga miro dhalin lahaa howlaha golaha dhalinyarada ee laga hirgaliyay gobolka.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Muna Axmed ayaa sheegtay in dhalinyarada oo ah jiilka  dalka in ay is baabulan ugana qayb qaataan hawlaha horumarineed ee deegaankooda iyo dalkaba.

Sida uu ENA u sheegay Maxamed Axmed, oo ah gudoomiyaha  loo doortay  Golaha Dhallinyarada Deegaanka Soomaalida ee la aas aasay, waxa uu yidhi; Goluhu wuxuu ka shaqaynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dhalinyarada deegaanka.


 

Sidoo kale goluhu waxa uu shaaca ka qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii ay uwada shaqayn ula yeelan lahaayeen ururada dhalinyarada iyo ururada dawliga ah ee ka hawlgala deegaanka.

Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer deegaanl ah, wakiilo ka socday dhalinyarada degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka iyo marti sharaf lagu casuumay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015