Tartanka koobka 34-aad ee Afrika,oo wali socda ayaa aad  loosugayaa  ciyaarta Senegal ay caawa lacyaarayso  xulka Cote d’Ivoire

Addis Ababa, Tir 20, 2016 (ENA) — Xulka qaranka Senegal oo ku guuleystay koobka 33-aad ee Qaramada Afrika ayaa caawa la ciyaari doona xulka martigelinaya koobka 34-aad ee Qaramada Afrika ee Côte d'Ivoire.

Koobka qaramada Afrika oo ah kii 34-aad ayaa maanta galay maalintiisii 17-aad, waxaana la ciyaari doonaa laba kulan.

Xulkii ku guulaysta koobka qaramada Afrika ee 33-aad ee Senegal ayaa sugaya koobka 34-aad oo ay la ciyaaraan xulka marti galinaya koobka ee Côte d’Ivoire saacada 5:00 habenimo .


 

Senegal ayaa badisay seddexdii kulan ee ay ciyaartay qeybta seddexaad, waxaana ay ku soo biirtay group-ka iyagoo wadata sagaal dhibcood.

Waa markii 3-aad oo ay labada dal ku kulmaan koobka qaramada Afrika, waxaana labadii kulan ee hore ee koobkan ku guuleystay Cote d’Ivoire.

Senegal ayaa ku jirta kaalinta 20-aad iyo Côte d’Ivoire 49-aad ee qiimeynta bilaha ah ee FIFA.

Ciyaarta kale ee isreebreebka ah, Cape Verde waxay la ciyaari doontaa Mauritania 2:00 fiidnimo.

Cape Verde ayaa soo gashay wareega 16-ka iyadoo wadata  todobo dhibcood oo kaalinta koowaad kaga soo baxday Group-ka labaad, waana markii seddexaad oo ay soo baxdo wareega 16-ka ee koobka qaramada Afrika.

Dalka Mauritania oo ku jiray Group-ka 4-aad ayaa ka mid ah wadamada ku soo biiray kooxda si ay uga soo baxaan 3-da kooxood ee ugu sareeya iyaga oo leh 3 dhibcood.

Dalka Mauritania oo markii saddexaad ka qayb galaya koobka qaramada Afrika ayaa markii ugu horaysay taariikhda gashay heerka knockout-ka ee koobka qaramada Afrika.

Waxay kaga jirtaa Cape Verde kaalinta  73aad ee qiimeynta bilaha ah ee FIFA; Mauritania waxa ay gashay kaalinta 105-aad.

Kooxaha  maanta guulaysta ayaa wada ciyaari doona wareega 8 dhamaadka.

Marka la eego ciyaarihii isreebreebka ee xalay,ayay  Guinea kabadsay Equatorial Guinea; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa garaacday Masar una soo baxday wareega 8-da.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in Angola, Nigeria, Guinea iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay u soo gudbeen wareega isrebrebka 8 kooxod.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015