Itoobiya ayaa kaalinta labaad gashay tartanka ciyaaraha fudud ee wadamada Afrika.

Addis Ababa; Yakaatiiti 17/2016 (ENA): Waxaa maanta magaalada Hammam ee dalka Tunisia lagu sogabagabeyay  tartankii 6-aad ee ciyaaraha fudud ee wadamada Afrika.


 

11 wadan oo ay ku jirto Itoobiya ayaa ka qayb galay tartanka.

Dalka Itoobiya waxa  ugaga qaybgalay  28 ciyaartoyin  oo ukala tartamaayay  6 km ee haweenka da'da yar, 8 km ragga da'da yar, 10 km oo loogu talagalay haweenka iyo ragga waaweyn iyo kuwa isku dhafan.


 

Sida xogta aan kuhelayno Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud waxa ay ityoobya gashay kaalinta  2-aad ee tartanka iyada oo haysatay laba Biladood oo Dahab ah,Shan Qalin ah iyo Saddex Maar ah oo Shakhsi iyo Kooxba ah.


 

Kenya ayaa  kaalinta koowaad gashay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015