Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyay waxqabadka rubuci labaad ee shaqada ee sanadka 2016-ka

Addis Ababa;yakaatiit 26/2016 (ENA): Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominaayo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.), ayaa bilaabay qiimaynta waxqabadka rubuci labaad ee sanadkan 2016-ka.


 

Xogta aan ka helnay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegeysa in dib u eegista lagu bilaabay afarta waaxood ee kala ah maamulka , cadaalada, bulshada iyo dhaqaalaha.


 

Waxaa hubaal ah in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu horay u bilaabay kulamo qiimeyn ah oo lagu lagu eegaayo dhaqanka waxqabad ee hay’adaha dowladda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015