In ka badan 90 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay doon ku dagtay dalka Mozambique

 

Addis Ababa; Magaabit 30/2016 (ENA): In ka badan 90 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay doon  ku dagtay  xeebaha waqooyiga dalka Mozambique.

Saraakiisha dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in doon ay saarnaayeen 130 qof ay ku degtay gobolka Nampula ee waqooyiga dalka Mozambique.


 

Saraakiisha ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii dadka deegaanka ay raaceen dooni ay uga cararayeen cudurka daacuunka ee ka dilaacay gobolka, islamarkaana ay u socdeen deegaano kale.BBC ayaa sheegtay in in ka badan 90 qof oo ay ku jiraan carruur ay dhinteen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hadda shilkaas laga soo badbaadiyay shan qof, iyadoo lagu dadaalayo sidii dad badan loo badbaadin lahaa.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in gobolka Nampula uu ka mid yahay meelaha uu sida xun u saameeyay cudurka daacuunka ee ka dillaacay Mozambique sannadkii hore.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015