itoobiya ayaa ahmiyada siisay Transformationka casriga ah . Taemesgan Turuneh Ra’iisul Wasaare ku xigeen

 

Addis Ababa; Magaabit 4/2016 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Taemesgan Turuneh ayaa sheegay in ahmiyada lasiin doono sirdoonka macmalka ah iyo isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya.


 

Dasta Robotka loogu magacdaray ayaa caawa ku Soo bandhigi doonta muusikada Hotelka Skylight iyada iyo ruug cadaa muusikiiste jazz Mulatu astatike.

Waxaana kasoo qaybgalay bandhigan Mas’uuliyiinta sare ee dawladda, khuburo ka shaqeysa Hal abuurka iyo teknolojiyadda, iyo marti sharaf kale ok lagu casuumay waxaana ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka mudane Taemesgan Turuneh


 

Isla markaana mudane Taemesgan Turuneh ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga shaqaynayso dhanka sirdoonka macmalka ah iyo la jaanqaadka tignoolajiyada.

Waxa uu tilmaamay in sirdoonka macmalka uu yahay mod lagu xalin karo mashaakilaadka ka jira Itoobiya iyo qaarada Afrika iyo sidoo kale jihada mustaqbalka ee dunida.

Wuxuu sheegay in itoobiya ay diirada saarayso isbeddelka dhijitaalka ay sii wadi doonto xoojinta iyada oo la farsamaynayo sirdoonka macmalka ah sida robot-kan Desta oo kale.

Robotka Desta waxaa maanta barnaamijka bandhiga Soo diyaarisay Ethiopian Artificial Intelligence iyo icog Labs oo kaashanaya Ethiopian Airlines iyo shirkada Ethio-Telecom.

Robotka Desta waxa lagu programiyay luuqada Axmariga iyada oo kaga hadashay goobta bandhiga Axmari iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada jiilka 5-aad ee Ethio-Telecom iyo machadka sirdoonka macmalka ah, Robot-ka afka Amxaariga ku hadla waxa samaysay ICOG Labs.

Desta waa Robot ku hadla afka Amxaariga, muujiya dhaq dhaqaaq kala duwan, farxad iyo shucuur kale oo ciyaari karta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015