Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa la sheegay in uu ku geriyoday shil diyaaradeed


Addis Ababa Ginboot Ginboot 12/2016 (ENA):-Madaxweyne Ibrahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda, Hossein Amir Abdullahi ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.



Warbixintu waxa ay tilmaantay in afar qof oo ka mid ahaa dadkii la socday diyaaradaasi ay ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee shalay.
Madaxweynaha ayaa ku sii jeeday magaalada Tabriz si uu xariga uga jaro labo biyo xireen oo laga dhisay meel u dhow xadka u dhaxeeya Iran iyo Asarbayjaan markii uu shilku dhacay.
Diyaaradda Helicopterta-ah ayaa ku burburtay meel 50 KM u jirta magaalada Tabriz, waxaana la tilmaamay in cimilo aan wanaagsanayn oo halkaasi ka jirtay ay ku adkaatay kooxda gurmadka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in baaritaan kadib diyaaraddii Helicopter-ka ah ee ay saarnaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka oo laga helay dhulka buuraleyda ah iyo barafka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015