Horumarinta Digital-ku waxay ay door muhiim ah u leedahay xaqiijinta horumarka mustaqbalka ee dalka iyo faa'iidada muwaadin kasta

Addis Ababa; Ginboot 14/2016 (ENA): Horumarinta Digital-ku waxay door muhiim ah ku leedahay xaqiijinta horumarka mustaqbalka ee dalka iyo faa'iidada muwaadin kasta, ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.


 

Farriin uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku soo dhigay bartiisa bafaha bulshada ayuu ku sheegay in maanta waxan uu yidhi waxaan aanu ka qayb galnay Bandhigga ‘Stride Ethiopia’ Expo 2024, kaas oo diiradda lagu saarayay cilmiga, tignoolajiyada iyo hal-abuurka, isla markaana aanu wada tashi muhiim ah la yeelanay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.


 

Waxa uu sheegay in maadaama dunida dhijitaalka ahayd ay meesha ka saartay dhaqamadii soo jireenka ahaa oo ay  beddeleen kuwo cusub, waxaa lagama maarmaan ah in la bilaabo in la sameeyo qaabdhismeedyo ka jawaabi kara xaaladaha isbeddelaya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah uu u baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Waxa uu sheegay in hay’adaha gaarka loo leeyahay, kuwa tacliinta sare iyo hay’adaha horumarinta ee ka shaqeeya ay ka qayb qaataan horumarinta iyagoo kaashanaya dowladda.

Sidoo kale, wuxuu dhambaalkiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hirgelinta isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya iyo shacabka si ay uga faa’iidaystaan ​​dhaxalka dhijitaalka ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015