Xulka Ciyaaraha Gobalka Nogob oo ku guulaysatay tartankii 11aad ee Kubadda Cagta DDS.

 

Garoonka Kubadda Cagta Magaalada Jigjiga ayaa lagu soo gabo'gabeeyay Tartanka Kubadda Cagta11ka Gobol ee DDS oo kalkiisii 11aad kasocday maagalada jigjiga. Ciyaarta Kama Dambaysta ah oo dhexmaraysay Gobollada Afdheer iyo Nogob ayey guushu ku raacday kooxda kubadda cagta Gobolka Nogob oo 2:1 kaga badisay dhiggooda Gobolka Afdheer.


 

Madaxwayne kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan faarax, Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb'galay gaba'gabadii ciyaaraha gobaallada DDS ee ay guushu ku raacday Gobolka Nogob.

Madaxwayne kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaana abaalmarintii loogu talo'galay gudoonsiiyay kooxda kubadda cagta ee Gobolka Nogob ee tartankan ku guulaysatay kooxda Gobolka Afdheer oo kaalinta 2aad galay iyo kooxda kubadda cagta Gobolka Jarar oo ku guulaysatay kooxda ugu anshaxa wanaagsan.

Warkan waxaan kahelay SRTV

 

 

 

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015