Waxaa loo baahan yahay in si weyn ay uga qayb qaataan khubarada warbaahinta iyo isgaadhsiinta dadaalka loogu jiro dhamaystirka dhismaha biyo xidheenka wayn ee Itoobiya.

Addis Ababa, Agaali/Sane, 10/2016T.I.(ENA):

Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhinta Biyo-xidheenka Weyn ee Abaay, Dr. Aragaawi Barihe ayaa sheegay in ka-qaybgalka xooggan ee khubarada warbaahinta iyo isgaadhsiinta ay lagama maarmaan u tahay dadaalka loogu jiro dhamaystirka dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Abaay.

Xuska sanad guurada 13-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dhismaha biyo xidheenka wayn ee Itoobiya ayaa waxa uu xafiisku kulan la qaadanayaa khubarada dhinaca warbaahinta iyo isgaadhsiinta iyadoo halku dhag looga dhigay "Si wada jir ah ayaan u qabanay".

Maareeyaha Xafiiska Isku-dubaridka Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, Dr. Aragaawi Barihe ayaa xusay  in dhismaha biyo-xidheenka ay si weyn uga qaybqaadanayaan oo ay ku hawlan yihiin muwaadiniinta dalka. 


 

Waxa uu xusay in laba marawaxadaha biyo-xidheenka ah ay bilaabeen inay dhaliyaan koronto, isla markaana guud ahaan dhismaha biyo-xidheenka uu gaadhay 96 boqolkiiba.

Waxa uu sheegay in la xoojiyay howlaha ilaalinta deegaanka iyo horumarinta barnaamijka cagaarinta si aysan biyo-xireenku uga biuxsamin carro.

Si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in si weyn ay uga qayb-qaataan khubarada ku xeel-dheer warbaahinta iyo isgaadhsiinta si loo diiwaan geliyo taariikhda, geeddi-socodka dhismaha iyo kor-u-qaadista baaxadda biyo-xidheenka, iyo sidoo kale xoojinta ka-qaybgalka muwaadiniinta.

Ugu dambayntii wuxuu uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen dhismaha biyo xidheenka, isagoo sheegay in madashan ay tahay sidii loo xoojin lahaa ka qayb galka khubarada warbaahinta iyo dajinta jihooyinka xiga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015