Kulan dardaaran ah ayaa loo qabtay kooxda daraasaad kusoo samaynaysa xilliga Gu'ga iyo hab-nololeedka bulshada.

Addis Ababa, Agaali/Sane, 28/2016T.I.(ENA):

Kulankani dardaaranka ah oo uu soo agaasimay Xafiiska Maaraynta Khatataha Masiibooyinka DDS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxa Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS, lataliyaha madaxweynaha ee dhanka bini'aadantinimada, xafiisyada bahwadaagta ah sida caafimaadka, biyaha, xoolaha, waxbarashada, haweenka iyo hay'adaha bah-wadaagta ah ee samafalka.


 

Daraasaadkan oo ah mid joogto ah oo sanadkii laba jeer ama hal mar la baxo ayaa xoogga lagu saaraa waxkabadalka iyo wax ka qabashada baahiyaha jira ee dhanka bulshada.

Madaxa Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Ibraahim iyo lataliyaha madaxweynaha ee dhanka bini'aadantinimada Mudane Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in qorshaha cusub ee dal ahaan la qaatay uu yahay in loo guuro isku filnaansho, lagana maarmo gargaarka dibada inooga imanaya.


 

Sida ay tabisay warbaahinta deegaanka ee SRTV, masuuliyiinta ayaa kooxaha baxaya usoo jeediyey inay xooga saaraan uruurinta xogaha dhabta ah, si natiijada kasoo baxayda xog-ururintaasi ay u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

 

 

 

 

 

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015