Shaqooyinka aan qabanay mudadii #Raadka_cagaaran ayaa ah mid ku socota bilow wanaagsan oo ah lagu xaqiijinayo hadafka aan hiigsaneyno ah - Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (PhD)

Addis Ababa; Afagaal/sane 4/2016 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in shaqada xilliga dhir beerista ee barnaamijka raadka cagaaran ,uu bilaw wanaagsan u yahay yoolka aan hiigsannayno.

Farriin uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ayuu ku yidhi waxaan maanta beernay geed midhoodka tufaaxa iyadoo lagu beeray mashruuca kaynta ee madaxtooyada cusub.


 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in rabitaanka bulshadeenna ee ku aaddan beerista dhirta uu yahay mid aad u sarreeya.

Waxa uu inta ku daray dhir beerista sannadkan waxa ka dhigaya mid gaar ah ayuu yidhi in geedihii hore ee heer daboolka baxar saafka lagu badalay dhirta ama geed midhoodka faa`iidada uleh dalka dhulka.


 

Waxa uu sheegay in bulshada ka soo jeeda deegaanka Harar iyo Konso ay la wadaageen xirfadooda iyo khibradooda xeeladaha iyo xilliyada looga hortago dhulka si uusan u nabaadguurin.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegay inay tahay inaan ka shaqayno oo aan kor u qaadno heer daboolka dhirta ee barnaamijka raadka cagaaran ee Addis Ababa, innagoo si wada jir ah u xoojinayna dadaalkeena barnaamijka Raadka cagaaran ee magaalooyinka dalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015