Madaxweynihii Hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa goob fagaare ah oo uu ol'ole ka waday la isku dayay in la toogto

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 08/2016T.I.(ENA):  Ra'iisul Wasaaraha JDFI  Dr. Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay iskudaygii dil ee lagula kacay madaxweynhii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump.


 

Ra'iisul Wasaaraha JDFI  Dr. Abiy Axmed ayaa fariin u soo dhigay bartiisa baraha bulshada ku cadeeyey sida uu uga xunyahay isku daygii dil ee lagula kacay Madaxweynihii hore ee dalka Maraykank Donald Trump, xilli uu ku jiray ol'ole doorasho.

Ra'iisul wasaaraha ayaana u rajeeyay in uu kasoo kabsado dhaawici soo garay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015