Hogaamita iyo hawl-wadeenada kaymaha Itoobiya ayaa sameeyay dhir beerista  barnaamijka  Raadka cagaaran

Hawassa Afagaal/sane 10/2016 (ENA):- Maamulka iyo shaqaalaha kaymaha Itoobiya ayaa wada dhir beerista barnaamij Raadka cagaaran oo ay ka fulinayaan aaga Tulo Kuywata ee maamulka magaalada Hawassa.


 

Barnaamijka ayaa lagu tilmaamay in lagu beeray geedo muhiimad kala duwan leh oo ay ka mid yihiin dhirta wadaniga ah. Waxaana la tilmaamay  in ay ka qayb qaadanayaan ilaalinta harada Hawaasa iyo deegaanka dabiiciga ah ee magaalada iyo bogsiin meelaha dhulka carra guurku kajiro.


 

Beeritaanka dhirta ka sakow waxa ay maamulka magaalada ku wareejiyeen agab waxbarasho oo loogu talagalay 100 arday oo u baahan in la taageero.


 

Kabadha Yamam, ,maareeyaha Guud ee Kaymaha Itoobiya, Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Beeraha ee Golaha Wakiilada, Solomon Lale, iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa barnaamijkan.


 

Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Kaymaha, Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Gobolka Sidama mudane Shitaye Yumura, Maayar ku xigeenka Maamulka Magaalada Hawassa mudane Mekuriya Mershaye iyo xubno kale oo maamulka iyo shaqaalaha ka mid ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015