Mudane Axmed Shide ayaa magaalada Goondhar ka fuliyay shir beerista xilluga xagaaga ee barnaamijka raadka cagaaran

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 15/2016T.I.(ENA): Wasiirka Maaliyada, Itoobiya Mudane Axmed Shide ayaa barnaamijka raadka cagaaran ee xilliga xagaaga awgeed ka fuliyay dhir beeris magaalada Goondhar ee deegaanka Amxaarada.


 

Mudane Shide ayaa sheegay in bulshadu looga baahan yahay inay ka qaybqaataan mashaariicaha horumarineed ee socda, maadaama kaqaybgalka bulsho ay muhiim tahay.

Waxa uu sheegay in uu booqday oo uu soo arkay dayactirka dhismaha boqortooyada Fasil oo ah dhisme taariikh facweyn leh oo inaga dhaxeeya, isla markaana uu xusay inuu meel wanaagsan marayo dhismaha dib-u-dhiska dhusmaha.


 

Ugu dambayntii Dr. Dhiras Sahlu, oo ah Isuduwaha qaybta miyiga ahna madaxa xafiiska beeraha ee deegaanka Axmaarada lehna awood madaxweyne kuxigeen ayaa sheegay in ay wadaan dhaq-dhaqaaq lagu beerayo 1.4 bilyan oo dhir ah guud ahaan deegaanka, xilligan xagaaga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015