Ol'olaha dardargelinta barnaamijka raadka cagaaran ee deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 15/2016T.I.(ENA): Madaxwaynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka qaybgalay baraamijka ol'olaha dardargelinta barnaamijka raadka cagaaran ee billaha xagaaga ah ee Maamulka Magaalada jigjiga.


 

Munaasibada lagu daahfurayey Ol'olaha dardargelinta baraamijka raadka cagaaran ee billaha xagaaga ah ee Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay kuliyada tabbabarada xirfadaha kala duwan ee Jigjiga, waxaana ka qayb-galay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed, Masuuliyiin heer Faderal iyo heer deegaan isugu jira iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.


 

Madaxwayne Mustafe ayaa sheegay in Deegaanka laga beeray malaayin dhir ah kuwaasi oo door muhiim ah ku leh nolosha bini'aadamka, xoolaha, Caafimaadka iyo bilicda guud ee deegaanka, bulshada oo dhana looga baahan yahay inay ka qaybqaataan beerista iyo daryeelida dhirta.


 

Ugu dambayntii masuuliyiinta ayaana dhir-beeris ka sameysay gudaha Kuliyada Tabbabarada Xirfadaha kala duwan ee Jigjiga, madaxwaynaha ayaana ugu dambayntii soo kor meeray bilicda iyo dhirbeerista laga sameeyey gudaha kuliyada

Wakaalada Warka Itoobiya
2015