Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda Gaadiidka Badda iyo Adeegga Saadka ayaa sameeyay dhirbeerista barnaamijka raadkooda cagaaran

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 16/2016 (ENA): Hoggaaminta iyo shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya ayaa sameeyey dhirbeerista barnaamijka Raadka caggaaran, iyagoo ka fuliyay jidka xawaaraha sare ee isku xidha Moojo-Hawasa.

Barnaamijka Raadka-cagaaran ee heer qaran ee sanadkan waxa uu hal-ku-dhegiisu yahay "Dal iyo jiil wax beera ".


 

Wasaarado kala duwan ayaa wada barnaamijkan. Maantana, hoggaaminta iyo shaqaalaha wakaalada gaadiidka badda iyo saadka oo ay weheliyaan hay'adaha kale ee la shaqeeya ayaa fuliyay barnaamijka raadka caggaaran ee dhir beerista .

Maamulka iyo shaqaaluhu waxay dhir ku beereen jidka isku xidha Moojo-Hawasa. 


 

Wakaalada ayaa qorsheynayso in sanadkan ay beerto in ka badan 30,000 oo geed oo madani ah oo ay ku jiraan geedo midhood iyo geedo kale oo muhiimad kala duwan uleh deegaanka.

Ugu dambayntii barnaamijka raadka cagaarka ee qaranka ee xilliga xagaaga ee 2016T.I ayaa la qorsheeyay in lagu beero 7.5 bilyan oo geed.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015