Barnaamijka Coders waxa uu shan milyan oo Itoobiyaan ah u abuurayaa xirfadaha aasaasiga ah ee casriga ah ee barnaamijyada webka (mareegaha), horumarinta Androidka, xogta sayniska iyo sirdoonka macmalka ah

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 16/2016 (ENA): Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in barnaamijka Coders-ku uu yahay mid kor u qaadaya fahanka shan milyan oo qof oo Itoobiyaan ah , kaasoo lagu barayo xirfadaha aasaasiga ah ee dhijitaalka ah ee barnaamijyada webka (mareegaha), horumarinta Android, sayniska xogta iyo sirdoonka macmal.


 

Barnaamijka "Shanta Milyan ee Itoobiyaan coders" waa mashruuc iskaashi oo ay bilaabeen Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta si kor loogu qaado xirfadaha dhijitaalka ah.


 

Waxa kale oo la tilmaamay in la bilaabay in la xoojiyo jiilka mustaqbalka ee Itoobiya ee kobaca dhaqaalaha dhijitaalka ah.


 

Xogta Laga helayo xafiiska raysal wasaaraha ayaa tilmaamaysa in , Ra’iisul wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu maanta si rasmi ah uga daah furay barnaamijkan cusub Madxafka Sayniska kaas qayb ka ah qorshaha Itoobiyada casriga ah ee 2025ka si looga gudbo godaloolada ka jirta dhanka aqoonta dhijitaalka ah.


 

Waxaa la tilmaamay in Marka la gaadho 2026, barnaamijkani uu shan milyan oo Itoobiyaan ah u sahli doono xirfadaha aasaasiga ah ee dhijitaalka ah ee barnaamijyada webka (mareegaha), horumarinta Android, cilmiga xogta iyo sirdoonka macmalka ah, sida ay shaaciyeen xafiiska raysal wasaaraha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015