Ol'olaha dardargelinta barnaamijka raadka cagaaran ee bilaha xagaaga ah ee maamulka magaalada Godey ayaa la daahfuray

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 16/2016T.I.(ENA): Munaasabadan lagu daahfuray Ol'olaha dardargelinta baraamijka dhaxal-reebka cagaaran ee bilaha xagaaga ee Maamulka Magaalada Godey ayaa lagu qabtay beerta cagaaran ee magaalada waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiinta magaalada oo uu ugu horeeyo maayarka magaalada Mudane C/laahi Cali Xaaji iyo bulshada qaybaheeda kala duwan 


 

Ol'olahan dardargalinta barnaamijka dhaxalreebka cagaaran ee bilaha xagaaga ayaa waxaa lagu daahfuray dhiigshubis loogu deeqay bukaanka iyo hooyada dhiiga u baaahan, dhirbeeris, ol'ole nadaafadeed iyo helida waxbarashao dheeraad ah 


 

Madaxa xafiiska waxbarashada ee maamulka magaalada ayaa sheegay in waxbarashadan ay bixin doonaan arday ka timid jaamacadaha kuwaasi oo door biday inay waqtigooda fasaxa ah uga faa'iideeyaan ardada maadooyinka ay ku fiican yihiin.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015