Hogaaminta iyo shaqaalaha Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ayaa sameeyey dhirbeeris

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 17/2016T.I.(ENA): Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo uu ka mid yahay Mudane Aadan Faarax, ayaa sameeyey dhir beerista barnaamijka raadka cagaaran.


 

Madaxa Xarunta Iskuxidhka Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyada ahna Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo lehna awood ra'iisul wasaare kuxigeen ee dalka mudane Aadan Faarax iyo shaqaalaha xafiiska ayaa si wada jir ah uga wada qayb qaatay dhir beerista barnaamijka raadka cagaaran iyagoo ka fuliyay magaalo hoosaadka Lemi Kuura.


 

Mudane Aadan Faarax ayaa khudbadii uu halkaas ka jeediyay ku nuux nuuxsaday in barnaamijkan raadka Cagaaran uu yahay hindise aad u wayn oo isku xidhaya jiilasha shalay, kuwa maanta iyo kuwa berriba isagoo xusay in Itoobiya ay kasoo baxayso doorkeeda kaga aadan ilaalinta deegaanka iyo abuurista deegaan wanaagsan.


 

Waxa uu sheegay in ay suurtagal tahay in la sii wado taariikhihii shalay la sameeyay, si looga hortago masiibooyinkan si joogto ah, iyo in laga ilaaliyo muuqaalkeena saamaynta isbeddelka cimilada.

Waxa uu sheegay in ay kaalin mug leh ka qaadaneyso abuurista fursado shaqo, kordhinta wax soo saarka iyo xaqiijinta sugnaanta iyo iskufilnaanshaha cuntada ee jiilka maanta.

Waxa kale oo uu xusay in ay si weyn uga qayb qaateen dhismaha dhaqaalaha cagaaran ee aanay saamaynta ku yeelanayn is bedelka cimilada.

Ugu dambayntii Mudane Aadan ayaa sheegay inay tahay in lasii xoojiyo shaqada dhirbeeris ee barnaamijka raadka cagaaran ee miyi iyo magaalaba, isagoo xusay in Xisbiga Barwaaqo uu sii wadi doono gudashada doorkiisa hogaamineed ee xaqiijinta iyo guul ka gaadhida barnaamijkan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015