Kulliyada Ciidanka ee waar ayaa fulisay dhirbeerista barnaamijka Raadka Caggaaran

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 17/2016 (ENA): Kulliyada Dagaalka ee Difaaca ayaa qabatay barnaamijka dhirbeerista ah ee Raadka Caggaaran

Kulliyaddu waxa ay waddaa barnaamijyo kala duwan oo ay ku maamuusayso munaasibadda qalin-jabinta dufcaddii 2-aad ee tababarayaasha koorsada gaaban iyo kuwa caadiga ah ee sanadkan 2016ka oo la qaban doono Sabtida soo socota.


 

Sidaasi darteed ayaa maanta lagu qabtay xarunta kulliyadda barnaamij dhir beeris ah, waxaana sidoo kale lagu qabtay dhiig shubis iyadoo halku-dhigg loiga dhigay “Ciidanka naftooda huraya waxaan ku garab taaganahay inaan ugu deeqno dhiig”.


 

Taliyaha Kulliyada waar ee Difaaca Sareeye Guuto Bulti Tadhasa, ayaa dhanka kale sheegay in ciidanku ay sii xoojinayaan barnaamijka dhir beerista marka laga soo tago gudashada waajibaadkooda qaran. 

Wuxuuna sheegay in barnaamijkan dhir beerista ah ee maanta lagu qabtay kuliyada ay taasi muujinayso.


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in si barnaamijka raadka cagaaran uu u noqdo mid taabogal ah inloo baahan yahay in la daryeelo oo la xanaaneeyo geedaha la beerayo.

Ugu dambayntii waxaa sidoo kale uu tilmaamay in la qaban doonaa dood cilmiyeed looga hadlayo Geedi socodka Kuliyada Difaaca ee Waar.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015