Waxaa Paris gaadhay ciyaaryahanada Itoobiya uga qaybgalaya Olombikada ka dhacaysa Paris

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 18/2016T.I.(ENA): Ciyaaryahanada Itoobiya uga qaybgalaysa ciyaaraha fudud ee Olombikada ee Paris ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Paris.


 

Markii waftiga Olimbikada Itoobiya oo ka kooban 40 xubnood ay saaka gaareen magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay safaaradda Itoobiya iyo muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan dalka Faransiiska.

Kooxdan ayaa caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee Paris 2:30subaxnimo xiliga Itoobiya.

Safarka ugu horeeya ee maanta waxaa ka mid ah gudiga fulinta ee Olombikada Itoobiya, madaxda xiriirada kala duwan, madaxda xafiisyada deegaannada, kooxda dabaasha biyaha iyo ciyaartoyga oo kayd ku jiraya.


 

In inta ka hartay waftiga Olombikada Itoobiya ee ka qaybgalaysa olombikada Paris waxaa loo qaybin doono 5 wareeg oo ay ugu kala bixi doonaan si ay u gaadhaan magaalada Paris.

Ciyaaraha Olombikada Paris 2024 ayaa si rasmi ah u furmi doona berri 2:30 fiidnimo iyadoo munaasabad gaar ah lagu daahfuri doono.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015