War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa u dhignaa sidan

War saxaafadeed

Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya wuxuu si dhaw ula socdaa weedhaha kicinta ah ee soo noqnoqday ee ka soo yeedhaya Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si ka duwan eedaymaha aan salka lahayn ee Dawladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Itoobiya waxay si hagar la'aan ah ugu tafoxaydatay ka shaqaynta xasilloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal.

Itoobiya waxay, haddaba, aad uga xuntahay hadallada aan loo meel dayin iyo mas'uuliyad-darrada ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay muhmal (shaki) u galiyaan doorka togan ee Dawladda Itoobiya ay ku leedahay dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Iyadoo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo midka taariikheed ee ku dhidban dhiigga iyo dhidid wadaagga, Itoobiya waxay qaadatay in aysan dheg jalaq u siin eedaymaha marinka habowsan ee ka soo burqanaya madaxda Soomaaliya. Itoobiya oo ay u muuqato dawdarrada eedaymaha qaawan ee lala daba socdo, waxay haddana door bidday in ay qaaddo hillinka samirka, qalqaalada togan iyo baxnaannada danta guud ee dadkeena aan marnaba kala maarmayn.

Itoobiya waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto ka ganacsiga hubka fudud ee ku soo qulqulaya Geeska Afrika. Loollanka colaaddeed ee ka aloosan xeebaha iyo sidoo kale xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, waxaa lamahuraan ah in ay dalalka gobolku isku dubariddaan dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka dambiyada noocan ah.

Itoobiya waxay jeceshahay in ay ku celiso ku kakanaanteeda la dagaallanka argagixisada iyo fiditaanka qoryaha yar yar ee sharci darrada ah, hubka fudud iyo walxaha qaraxyada loo isticmaalo.

Itoobiya waxay sii wadi doontaa garab istaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka.

26 Luulyo 2024 

Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Fadaraalka Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015