Kalfadhigii Golaha Dawlada Deegaanka soomaalida Ayaa Gabagabadii lagu ansixiyay magacaabisyo

Jigjiga Afagaal/Hamle 19/2016 (ENA): kalfadhigii 7aad ee caadiga ahaa ee Golaha dawlada deegaanka Soomaalida oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagusoo gabagabeeyay ansixinta magacaabista todobo mas’uul.


 

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay warbixinta qorshaha iyo waxqabadka sannad-miisaaniyadeedka 2016ka ee dawlad-deegaanka soomaalida, isagoo xusay in la qabtay waxqabad wanaagsan oo dhinaca horumarka iyo maamulka suuban ah.


 

Sidoo kale, Waxa uu golohu ansixiyay warbixinnada waxqabadka Maxkamadda Sare iyo Xafiiska Hanti-dhowrka.

Kulanka maanta ayaa Waxa uu goluhu warbixin kaga dhageystay madaxa wakaalada warbaahinta mudane C/laahi Xuseen.


 

Waxa uu sheegay in idaacada FM-ta iyo Telefishinada ay aas aastay wakaaladu iyo sidoo kale baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ay soo bandhigeen barnaamijyo ka hadlaya arimaha bulshada,dhaqaalaha iyo siyaasada.

Waxa uu Sheegay in Wakaaladu ay dhawaan laamo ka furatay magaalada Addis Ababa iyo ismaamulka Diridhaba si ay u balaadhiso helitaankeeda,.


 

Ugu dambayn Golaha ayaa ansixiyay magacaabista todobo mas’uul oo uu horkeenay madaxweynaha dowladda deegaanka soomaalida mudane Mustafe Muxamed.

Xafiisyada mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah

1. Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka 

2. Xafiiska Dakhliga 

3. Xafiiska maalgashiga iyo warshadaha 

4. Xafiiska Macdanta, shidaalka iyo tamarta

5. Xafiiska shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada

6. Xafiiska Sayniska iyo Tignoolajiyada

7. Xafiiska Jidadka

Wakaalada Warka Itoobiya
2015