Kulliyada Waar ee Ciidamada Difaaca ayaa waxaa ka qalin jabisay saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo la baray xirfado ciidan oo kala duwan

Addis Ababa ; Afagaal/Hamle 20/2016 (ENA): Kuliyadda Waar ee Ciidamada difaaca ayaa waxaa ka qalin jabiyay saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Qaranka oo lagu tababaray xirfadaha ciidanimo ee kala duwam.


 

Kulliyada ayaa waxaa ka qalin jabiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka, kuwaasi oo la baray qeybaha kala duwan ee tababarada ee Ciidanka Qaranka.


 

Munaasabadda qalin jabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay taliyaha guud ee ciidanka difaaca Qaranka Fildh Maarshal Birhaanu Juula, Taliyaha guud ee kuliyada S/guuto Bulti Tadhase, saraakiisha ciidamada Qaranka, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, qoysaska ardayda qalin jabisay iyo marti sharaf kale.


 

Saraakiisha ka qalin jabiyay kuliyada ayaa qaatay tababarada gaagaaban ilaa heer Master, waxaana sidoo kale qalinjabiyay saraakiil ciidamada difaaca ee dalalka kale oo Afrika ah oo ay ka mid yihiin Kenya, Koonfurta Suudaan, iyo Somaliland.


 

Ugu dambayntii waxaa la tilmaamay in saraakiisha qalin jabinaysa ay heleen tababaro kala duwan u sahlaya in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran intii ay ku guda jireen waxbarashadooda kuliyada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015