Masuuliyiinta ugu sarsaraysa deegaanka Soomaalida ayaa gaadhay magaalada Diri Dhaba.

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 20/2016T.I.(ENA): Waxaa magaalada Diri Dhaba gaadhay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed. 


 

Waftiga madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayay Madaxweyne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha DDS Xuseen Xaashi (PhD), Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane Cumar Warfaa iyo masuuliyiin kale.


 

Waftiga ayaa markii ay gaadheen Ismaamulka magaalada Diri Dhaba waxaa kusko dhaweeyey masuuliyiinta maamulka magaalada oo uu ugu horeeye Kuxigeenka Duqa Ismaamulka Magaalada Diri Dhaba Mudane Xarbi Buux iyo masuuliyiin kale oo magaalada ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015