Dawladda Ingriiska ayaa ku dhawaaqay inay taageerayso dib u habaynta dhaqaale ee Itoobiya

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 22/2016T.I.(ENA): Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay taageersan tahay ku dhawaaqista Itoobiya ee dib u habaynta dhaqaalaha.

Safaaradda Ingiriiska ee fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa fariin ay ku qortay boggeeda baraha bulshada, waxay u dhignayd, “Tallaabadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo dhaqaalaha Itoobiya, waxaan aaminsanahay in ay gacan ka geysan doonto kor u qaadida kobac dhaqaale loo dhan yahay iyo in la dhimo faqriga,”.

Dawladda Ingiriiska ayaa muujisay in ay sii wadi doonto taageerada xoogan ee ay siiso sidii loo xaqiijin lahaa barwaaqada iyo xasiloonida Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015