Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ugu yeeray shir degdeg ah xubnaha golaha maalinka Arbacada ah ee soo socota

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 22/2016T.I.(ENA): Golaha Wakiilada Shacabka ayaa kulan deg deg ah ugu yeeray xubnaha golaha maalinimada Arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24, Afagaal/Hamle, 2016T.I.

Sida ku cad qodobka 58 (4) ee dastuurka JDFI iyo qodobka 15 (1 iyo 2) ee xeer hoosaadka iyo hab-dhaqanka xubnaha golaha wakiilada ee xeer Lr. 6/2008, marka goluhu fasaxa uu ku jiro, hadii ay jiraan xaalad degdeg ah, arrimo u baahan go’aanka Golaha, Afhayeenka Golaha waxa uu awood u leeyahay inuu kulan degdeg ah uu iaugu yeedhi xubnaha golaha wakiilada shacabka ee JDFI.

Sidaas awgeed, Afhayeenka Golaha Wakiilladu waxa uu kulan degdeg ah ugu yeedhay xubnaha golaha, maalinka Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka Afagaal/Hamle, 2016-ka T.I.

Ugu dambayntii, wararka aan ka heleyno Golaha ayaa sheegaysa in Xildhibaanada Golaha wakiilada Shacabka ee JDFI loogu baaqay in ay soo xaadiraan kulanka deg dega iyadoo fariinta yeedhitaan loo diray maanta markii ay saacadu ahayd 7:30 duhurnimo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015