Guddiga fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay bixinta lacag dayn ah oo soconaysa mudo afar sano ah taasoo dhan 3.4 bilyan oo doolar - ENA Af-Soomaali
Guddiga fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay bixinta lacag dayn ah oo soconaysa mudo afar sano ah taasoo dhan 3.4 bilyan oo doolar
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Guddiga Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Itoobiya u ansixiyay lacag deyn ah oo dhan 2.556 bilyan SDR ama qiyaastii 3.4 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Go'aankani wuxuu ogolaanayaa in si degdeg ah loo sii daayo lacag bixinta 766.75 milyan SDR, ama ku dhawaad 1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Xirmadan maaliyadeed ee afarta sano ah waxay taageeri doontaa ajendaha 'Dib-u-habaynta Dhaqaalaha madaniga ah' ee Dowladda si wax looga qabto isudheellitir la'aanta dhaqaalaha, dib u celinta deynta dibadda [bixinta] joogtaynta iyo aasaaska koboc loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan qaybta gaarka loo leeyahay.
Adeegan bixinta amaahda ee la dheereeyey ayaa la filayaa in ay dardargeliso helitaanka maalgalin dibadeed oo dheeraad ah oo laga helo bahwadaagta horumarinta iyo deymaha.
Go’aankan guddiga fulinta ayaa ogolaanaya in si degdeg ah loo fasaxo lacag dhan 766.75 milyan SDR oo u dhiganta 1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taasoo Itoobiya ka caawin doonta daboolina doonto dheelitirnaanta baahideeda lacag bixinta iyo taageeridda miisaaniyadeeda.
Barnaamijkan dhaqaalaha ee dawladda, oo ay taageerto xarunta deyn-kordhinta ee afarta sano ah, waa xirmo siyaasadeed dhammaystiran oo kicin doona dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah, ujeeddaduna ay tahay in la furo dhaqaalaha, si loo gaaro kobac ballaaran oo loo dhan yahay.
Xoojinta mashruuca badbaadada bulshada, ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka dib-u-habaynta dawladda si loo khafiifiyo saamaynta ay ku yeelanayso dib-u-habayntan qoysaska/dadka nugul ama jilicsan.
Siyaasadaha muhiimka ah waxaa ka mid ah:
1) U guurista sarifka suuqa ku salaysan si wax looga qabto isudheellitir la'aanta dibadda iyo yaraynta sarifka lacagaha qalaad;
2) La-dagaalanka sicir-bararka iyadoo la casriyeynayo qaab-dhismeedka siyaasadda lacagta;
3) Abaabulida ilaha dhaqaalaha gudaha ee mudnaanta leh iyo u isticmaalka kharashaadka dadweynaha;
4) Soo celinta iyo joogtaynta bixinta deynta, iyadoo la fulinayo heshiisyada dib-u-qaabaynta deynta xilliyeed ee lala galo deyn-bixiyeyaasha shisheeye;
5) Xoojinta awoodda maaliyadeed ee shirkadaha ay dowladdu leedahay si loo yareeyo dayacanka dhaqaale ee muhiimka ah.