Maamulka magaalada Diri Dhaba ayaa 5 milyan oo birr ugu deeqay gobalka Gofa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Maamulka magaalada Diri Dhaba ayaa lacag dhan shan milyan oo Birr ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay dhul go’ii ka dhacay qabalaha Kenjo Shaaja Gosdhi ee degmada Gase Goofa ee gobalka Gofa.


 

Tilaahun Kabadha oo ah Madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa ka mahad celiyay taageeradan, isagoo ugu baaqay shacabka Itoobiya inay sii wadaan taageerada iyi garab istaaga ay u muujinayaan bulshada ay masiibadu ku habsatay, iyadoo la wado dadaalo dib u dejin loogu samaynayo bulshadaas.


 

Ugu dambayntii duqa maamulka magaalada Diri Dhaba Khadiir Juhaar ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Goofa, isagoo ku wareejiyay taageero lacageed oo dhan 5milyan oo birr, sida ay sheegayso xogta aan ka hayno xafiiska madaxweynaha ee  deegaanka Konfurta Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015