Xafiiska Maaliyada Diri Dhaba ayaa ku deeqay agab shaqeed kala duwan

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha ee Ismaamulka Diri Dhaba waaxdiisa iibka iyo hanti dhawrka dawlada ayaa xafiisyada, degmooyinka iyo kilaastar ugu deeqay agabyo kala duwan oo u fudaydinaaya shaqada, kuwaas oo ay kamid yihiin agabyada elektironiga ah.


 

Waxa lagu wareejiyay 9ka degmo, 4ta kilaster iyo qaar kamida xafisyada Ismaamulka Diri Dhaba taaso ay ku baxday lacag kor u dhaafaysa 27 milyan oo birr.


 

Marwo Muluka Maxamed oo ah madaxa xafiska maliyada iyo horumarinta dhaqalaha ee Ismaamulka Diri Dhaba oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in agabkan lagu dhiiri galinayo goobaha shaqada si aysan dib u dhac ugu iman shaqada, shaqaalaha iyo adeegyada kala duwan ee loo fidinayo bulshada.


 

Ugu dambayntii xafiisyada lagudoonsiiyay agabkani ayaa ka mahadceliyay iyagoo sheegay in ay uga faa'iidaysan doonaan agabkan si wanaagsan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015