Madaxa Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in sanadka 2016-ka ay bahda beeraha oo iskaashanaya ay qabteen shaqooyin fiican oo u baahan in la sii xoojiyo.

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Shirka wadatashiga bahda beeraha ayaa ka bilawday magaalada Jigjiga, iyad oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska beeraha, xafiiska bahwadaagta, madax xafiisyeedyada 95-ta degmo, maamul magaalooyinka iyo iskuduwashaasha gobollada oo lagaga hadalay shaqooyinka sanadka 2016-ka dhinacyada waxsoorka beeraha, cilmibaadhista, isticmaalka abuurka xulka iyo horumarinta iskaashatooyinka.


 

Inta uu kulanku socdo waxaa laga soo jeedinayaa warbixinta xafiiska beeraha iyo kuwa gobollada si la iskula eego shaqooyinka fiican ee la qabto iyo caqabadaha si mustaqbalka xal looga gaadho.


 

Madaxa Xafiiska Beeraha DDS C/qaadir Iiman (PhD) ayaa sheegay in sanadkii 2016-ka ay bahda beeraha oo iskaashanaya ay qabteen shaqooyin fiican oo qaybaha kala duwan ee ay ka shaqeeyaan.



 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015