Waxaa xadhigga laga jaray geerash casri ah oo ay maalgashadeen qurbajoog Deegaanka u dhalatay

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Geerashkan casriga ah ayaa ka shaqayn doona dayactirka casriga ah iyo hubinta tayada iyo badqabka noocyada kala duwan ee gaadiidka.


 

Goobtan ayaa shaqo-abuur u samaynaysa in ka badan 40 dhalinyaro ah.


 

Waxaana xadhiga ka jaray Madaxa Xafiiska Gaadiidka iyo Ganacsiga DDS iyo Duqa maamulka magaalada Jigjiga.


 

Madaxa Gaadiidka iyo Ganacsiga DDS, Mudane Cabdixakiin Sheekh Xasan ayaa sheegay in adeegan loo tagi jiray meelo ka baxsan Deegaanka Soomaalida, iyadoo uu xusay in arrintann ay tahay mid ku dayasho mudan.


 

Ugu dambayntii Duqa maamulka magaalada Jigjiga Inj. Shaafi Axmed ayaa sheegay in isbaddkii kaddib ay qurbajoogtu magaalada ka wadaan maalgashiyo kala duwan oo bulshada faa’iido u leh.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015