Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha Gobolka Doollo

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Shirkan ayay ujeeddadiisu ahayd in odayaasha loo bandhigo go’aan xukuumaddu ka gaadhay isqab-qabsi dhul la xidhiidhay oo ka jiray degmada Wardheer.


 

Xukuumadda ayaa dhaqan-gelin doonta go’aanka maalmaha soo socda, iyada oo kulankana la iskula qaatay in cidwalba oo carqalad ku noqota amniga iyo xasiloonida bulshada meel looga soo wada jeedsado. 


 

Ugu dambayntii hay’adaha amniga ayaa la faray degdeg u fulinta go'aamada xukuumadda ee la xidhiidha arrimaha salka u ahaa isku dhacyaddan.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015