Guddiga sare ee dhismaha suuqii gubtay ee Taywaankii jigjiga ayaa yeeshay kulan.

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 23/2016T.I.(ENA): Kulankan waxaa hoggaamiyay Madaxwayne kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan iyadoo lagusoo bandhigayay naqshaqada dhismaha cusub ee taywaankii gubtay ee magaalada Jigjiga.


 

Guddiga ayaa kawada hadlay naqshada dhismaha taywaanka cusub ee Jigjiga oo qaab casri ah loo dhisi doono.


 

Madaxwayne kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan ayaana kula dardaarmay guddiga in la dardargeliyo shaqada, sidii qaabka ugu habboon loogu billaabi lahaa dhismaha taywaankii gubtay ee Jigjiga.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015