Golaha Wasiirada ayaa go’aano ka soo saaray shirkoodii caadiga ahaa ee 38-aad

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 24/2016T.I.(ENA): Golaha Wasiirada ayaa go’aano ka soo saaray shirkoodii caadiga ahaa ee 38-aad.


 

Go’aamada laga soo saaray shirkii caadiga ahaa ee 38-aad ee Golaha Wasiirada.


 

Shirkii caadiga ahaa ee 38-aad oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay kaga doodeen go’aanna ka soo saareen baaqii loo diyaariyay in lagu ansixiyo heshiiska kaalmada maaliyadeed ee lala galay Ururka Horumarinta Caalamiga ah.


 

Heshiiska taageerada maaliyadeed ee lala galay Ururka Horumarinta Caalamiga ah ayaa lagu bixin doonaa 1.5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo 1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah ay noqon doonto qaab deeq ah iyo 500 milyan oo doolarka Maraykanka ah oo lagu heli doono qaab dayn ah.


 

Taageeradan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa in lagu fuliyo dib u habeynta ay bilowday dowladda Itoobiya ee lagu xasilinayo dhaqaalaha guud, gaar ahaan shaqo abuurka, xakameynta sicir bararka, wax ka qabashada yaraanta lacagaha qalaad, wax ka beddelka qaabdhismeedka iyo in si toos ah loo taageero miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2017-kaT.I.


 

Ugu dambayntii Golaha Wasiirada ayaa ka doodista qodobadan ka dib waxay xaqiijiyeen in deyntaasi aysan wax ribo ah lahayn, isla markaana lagu bixin doono 38 sano gudahood oo ay ku jirto 6 sano oo faa'iido ah, isla markaana ay waafaqsan tahay istaraatiijiyadda maamulka deymaha ee dalkeena.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015