Waxaa maalinkii labaad ka socda cusbitaalka darajada koowaad ee Jigjiga ol'olaha qaliinka indhaha oo bilshaa ah

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 24/2016T.I.(ENA): Qaliinkan indhaha oo ay iska kaashanayaan xafiiska caafimadka deegaanka iyo hay'ada Direct Aid Ethiopia ayaa waxaa qorshaysan in looga faa'iideeyo islamarkaana qaliin Iyo daawayn loo sameeyo dad ka badan 600 oo qof oo ka kala imaanaya magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda iyo guud ahaan gobolka Faafan.


 

Bulshada adeegan qaliinka indhaha ka faa'iidaysatay ayaa bogaadiyay sida loogu adeegay.

Ugu dambayntii maareeye kuxigeenka cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Jigjiga Dr. Axmed Maxamed ayaa bulshada ugu baaqay in laga faa'iidaysto mudadda uu qalinka bilaashka ee indhuhu socdo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015