Waxaa la ansixiyay heshiisyada daynta ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ururada Horumarinta Caalamiga ah

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 24/2016T.I.(ENA): Golaha wakiilada ayaa fadhigii degdega ahaa ee ay yeesheen ku ansixiyay heshiiska daynta ee Itoobiya iyo ururada horumarinta caalamiga ah.

Golaha ayaa yeeshay kulankoodii 1-aad ee deg degga ahaa ee sanad shaqeedka 3-aad, waxaana ay ka talo bixiyeen hindise sharciyeedka heshiiska deynya.


 

Waxaa la sheegay in 500 oo milyan oo dollarka Maraykanka ah ee laga helay daynta ururada horumarinta caalamiga ah ay ka taageeri karto hawlaha dib u habaynta ee ay bilawday dawladda Itoobiya.


 

Ugu dambayntii xeerkii la soo bandhigay golaha ee xeer lambar 1345/2016 jawaab celin laga siiyay su’aalihii ay soo gudbiyeen golaha ee la xidhiidha heshiiska daynta, waxaana cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xeerkan iyadoo hal mudane uu diiday, hal mudanena uu ka aamusay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015