Qiimaynta waxqabadka Booliska Soomaalida ayaa ka furmay xarunta Komishinka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 24/2016T.I.(ENA): Shirkii qiimaynta waxqabadka booliska ee lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka furmay xarunta Komishinka Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.


 

Shirkan oo lagu qiimaynayo geeddi-socodkii shaqo ee lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kasoo qaybgalay saraakiisha sare ee booliska DDS waxaana shirka furay Taliyaha Guud ee Booliska DDS, Jeneraal Cabdi Cali.

Ujeedada shirkan ayaa ah in la qiimeeyo shaqooyinka uu boolisku u qabtay shacabka deegaanka iyadoo la soo dhigayo lagagana doodayo dhinacyada adag iyo kuwa u baahan in la iska saxo ee lala kulmay lixdii bilood ee lasoo dhaafay. 


 

Shirka oo sii socon doona ayaa laga soo saari doonaa go’aamo lagu dardargelinayo shaqooyinka booliska si loo xaqiijiyo amniga iyo adeegyada ay bixiyaan booliska DDS

Wakaalada Warka Itoobiya
2015