Dawladda Talyaaniga ayaa 25 milyan oo yuuro ugu deeqday Itoobiya

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Dowladda Talyaaniga ayaa ugu deeqday lacag dhan 25 milyan oo Yuuro, si loogu guuleysto barnaamijka horumarinta dalka iyo dhaqaalaha cagaaran ee Itoobiya.

Heshiiskan taageerada ah waxa kala saxeexay safiirka Talyaaniga u fadhiya Itoobiya, Agustino Baales, iyo wasiirka maaliyadda, Axmed Shide.

Xogta aan ka helnay safaarada Talyaaniga ee Itoobiya ayaa sheegeysa in heshiiskan uu ka mid yahay qodobbada ugu muhiimsan ee qorshaha MATI ee dalka Itoobiya.


 

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in taageeradan loo adeegsan doono shaqo abuurka, kobaca dhaqaalaha iyo ka midho dhalinta himilooyinka horumarineed ee dalka.

Qorshaha Talyaaniga ee Mati waxaa ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Giorgia Meloni 2022kii, Ujeedka ayaa ah in la xoojiyo xiriirka dalka uu la leeyahay qaaradda Afrika iyo dalalkiisa.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015