Shiinaha iyo Itoobiya ayaa xaqiijiyay inay sii xoojin doonaan xidhiidhka ka dhaxeeya

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Itoobiya, Shao Shiyuwaan, ayaa xaqiijiyay in Shiinaha uu sii xoojin doono xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya.


 

Xuska sanad guurada 97-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidamada Shiinaha ayaa lagu qabtay magaalada Adiss Ababa iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sareysa dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin safiirada wadamo kala duwan.

Sidoo kale, danjire Shao Shiyuwaan ayaa khudbadiisa ku sheegay in Shiinuhu uu ka shaqayn doono horumarka, nabadda iyo barwaaqada Itoobiya.


 

Wuxuu xaqiijiyay inay la shaqeyn doonaan Itoobiya iyo wadamada kale ee Afrika si ay uga faa’ideystaan fursadaha jira loogana gudbo caqabadaha jira.

Waxa uu tilmaamay in shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee dhici doona bisha kodxin/maskaram uu aasaas u noqon doono arrintan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015