Itoobiya-Shiinaha ayaa xusay inay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Komishanka maalgashiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Itoobiya iyo Shiinaha laga dareemayo natiijooyin la taaban karo.

 Komishanka maalgashiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Itoobiya iyo Shiinaha ay keenayaan natiijooyin la taaban karo.

Shirkii 2-aad ee Madasha Iskaashiga Saaxiibtinimo ee Itoobiya iyo Shiinaha oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Iskaashiga Saaxiibtinimo ee Itoobiya iyo Shiinaha ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa.


 

Komishineerka komishanka Maalgasiga Itoobiya Hana Ar'aayasilaase ay sheegtay in Itoobiya shantii sano ee la soo dhaafay ay aad usoo dhawaynaysay maalgashadayaasha shisheeye.

Waxa ay sheegtay in ka qaybgalka maalgashadayaasha Shiinaha ee dhinacyada kala duwan ee maalgashiga Itoobiya ay sii kordhayaan, isla markaana ay guddida saaxiibtinimada iyo iskaashiga ee Itoobiya-Shiinaha ay gacan ka geysanayaan fududaynta xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.

Gudoomiyaha gudigan Betti Su ayaa sharaxaad ka bixisay in heshiiska is afgaradka ah ee maanta la kala saxiixday uu door wanaagsan ku leeyahay horumarinta warshadaha Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015