Waxaa xadhiga laga jaray warshada furinka iyo daqiiqda ee laga dhisay magaalada Naqamte

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Waxaa magaalada Naqamte ee deegaanka Oromiya laga xadhigjaray warshada furinka iyo daqiiqda oo ay hirgalisay xafiiska marwada koowaad ee dalka.


 

Madashii lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa ka soo qayb galay marwada koowaad ee dalka Sinaash Taayaajew, Madaxweynaha deegaanka Oromiya Shiimalis Abdisa iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer deegaan ah.


 

Warshadan ayaa waxay awood u leedahay inay soo saarto 420 kiintal oo bur ah maalintii, waxaana la filayaa inay soo saarto in ka badan 300,000 oo xabo oo Rooti ah maalintii.


 

Ugu dambayntii warshadan ayaa fursado shaqo u abuuri doonta 300 oo dhalinyaro iyo xirfadlayaal ah oo ku sugan magaalada Naqamte.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015