Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Tamasgan ayaa booqday hannaanka dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahirdar

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Tamasgan Tirunah ayaa booqday qaabka ay u socoto dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahir Dar.


 

Waxaa waftiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ku wehelinayay, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Dalka, General Ababaw Tadhasa, Taliyaha Hoggaanka Danbi baarista Booliska Federaalka, Taliye ku-xigeenka G/sare Salaalam Mangiste, Madax heer Federaal iyo heer deegaan iskugu jirta.


 

Masuuliyiinta ayaa booqday qaabka uu u socdo dhismaha garoonka, waxaana warbixino iyi sharaxaad ka siiyay mas’uuliyiinta iyo khubarada gacanta ku haysa ee deegaanka.


 

Wareegii labaad ee dhismuhu waxa uu bilaabmay bishii ginbood 2015. 

Garoonka caalamiga ah ee Bahir Dar ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 1.8 bilyan oo Birr, waxaana dhismuhu uu gaadhay boqolkiiba 57.


 

Garoonkan oo loo dhisay si waafaqsan halbeegyada xiriirka kubadda cagta Afrika ee (CAF), iyadoo ay dhisayaan 47 Qandaraaslayaal muwaadiniin ah iyo Ajaaniboo ka kala socda qaybo kala duwan oo dhsimaha ah.


 

Waxaa la sheegay in samaynta kuraasta caadiga ah ay ka socoto dalka dibadiisa, waxaana garoonka loo kala saari doonaa qaybta cawska, kuraasta iyo kuraasta gaarka ah ee martida, kuwaasi oo loo diyaariyay loona dejiyo si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.


 

Dhismahan ayaa la qorsheynayaa in la soo gaba gabeeyo bartamaha sanadkan 2017-ka, iyadoo ay dadaalkeeda socoto.


 

Ugu dambayntii mas’uuliyiintii ugu sareysay ee kormeerka ku sameeyay garoonka ayaa waxa ay ka sameeyeen garoonka barnaamijka dhir beerista ee raadka cagaaran.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015